4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Guddiga Baarlamaanka Maraykanka u qaabilsan Afrika iyo Heshiish uu galay (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa xarunta baarlamaanka Maraykanka kula kulmay senator Jeff Flake oo ka mid ah golaha sanetka u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Sanator Jeff Flake ayaa madaxweynaha ku qaabilay Xarunta baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill, waxaana war-saxaafadeed ka soo baxay kulankaasi lagu sheegay in madaxweynuhu uga mahadceliyey qaabiladaasi Sanatorka, isla markaana waxa uu uga waramay xaaladda Somaliland marayso iyo dimuqraadiyada ka jirta, waxaanu u dhiibay qoraal ka hadlaysa maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland.

Sidoo kale, Sanator Jeff Flake, ayaa Somaliland ku amaanay nabadgalyada, dimuqraadiyada iyo deganaanshaha ka jirta, isla markaana sheegay inay Somaliland u baahan tahay in xaga horumarka laga caawiyo.

Waxa kale oo la sheegay inay la kulmeen saraakiil ka socda wasaarada gaashaandhiga Maraykanka, kuwaas oo shir gaar ah la yeeshay weftiga madaxweynaha, haseyeeshee lama sheegin waxay ka wada hadleen.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland, ayaa heshiis la gashay shirkad shidaalka soo saarta oo laga leeyahay wadanka Norway,  waxaanu heshiiskaasi ka dhacay Magaalada Washington ee Wadanka maraykanka.

Heshiishkan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland, waxa Somaliland u saxeexay wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cali Ducaalem, halka shirkadda uu u saxeexay madaxa fulinta ee shirkadaasi D.N.O Mr.  Bijan mossavar-rahmani.

Madaxa shirkadda DNO (Norwegian Oil Company),ayaa sheegay inuu heshiishkani yahay mid taariikhi ah oo uu aad ugu faraxsan yahay inay kala qorteen xukuumadda Somaliland, isla markaana ay baadhitaano ka bilaabi doonaan dhul aad u balaadhan oo lagu qiyaasay 12,000 skm.

Shirkadan ayaa hawlogalo sidan oo kale ah ka wada wadamada Yeman iyo Iraq, kuwaas oo sheegay inay ku hanweyn yihiin inay ku guulaystaan baadhitankoodda.

Si kastaba ha ahaatee, Waa shirkadii sadexaad ee shiidaal baadhis ah oo heshiis la gasha Somaliland sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay, waxaanay imika jira shirkaddo baadhis ka wadda Somaliland, gaar ahaan goboladda bariga Somaliland.







Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland