Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday

Axad,September 09, 2012 (HOL) - Soomaaliya waxay markii ugu horreysay mudo ku dhow 22 sano ay isu diyaarinaysaa doorasho madaxtanimo oo ka dhacda dalka gudihiisa, taasoo sii xoojinaysa rajada ay Soomaali badan oo qurbaha ku nool ay ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Hawa.jpg
Xaawo Maxamed Xassan (Lehelow)

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dalka dib ugu soo laabtay boqolaal Soomaali ah, oo ka kala yimid wadamada caalamka, kuwaasoo ka qayb qaadanaya dib u dhiska dalka ka soconaya.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa isku dayaya inay ka qayb qaataan dhinacyada kala duwan ee dib u dhiska dalka, iyagoo ola'olana u galay inay kasoo dhex muuqdaan siyaasada dalka.

Xaawo Maxamed Xassan waa gabar aqoonhanad ah oo kasoo guurtay magaalada London,kana mid ah haweenka dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Xaawo waxay u soo guurtay Soomaaliya, si ay uga qayb qaadato, horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ka soconaya.

"Waxaan u imid inaan ka qaybgalo dib u dhiska dalka ka soconaya, waxaanan rabaa in haweenku ay dhinac walba oo dalka horumarkiisa ah ay ka shaqeeyaan" ayay tiri xaawo oo la hadashay Hiiraan Online.

Xaawo ayaa aaminsan in dhisitaanka hay’adaha dawlada Soomaaliya ay wakhti qaadan doonto, laakiin aysan taasi suuroobi karin hadii aan la helin qaybtii ay haweenku ku lahaayeen.

“Waxaan u imid inaan kaalintayda ka qaato, dhisitaanka dawlada uu dalku yeelanayo, waxaanan wax uu bartay dalkayga” ayay sii raacisay Xaawo.

Najmo Axmed Cabdi ayaa iyaduna kamid ah haweenka ka hawlgala gudaha magaalada Muqdisho, una dhaqdhaqaaqa ka shaqaynta doorka horumarineed ee haweenku ay ku leeyihiin bulshada.

Najma.jpg
Najmo Axmed Cabdi

Najmo ayaa aaminsan inay tahay waajib qaran in qof walba oo Soomaali ah uu dalka ku soo noqdo, si loo helo qaran ay hogaaminayaan dadkiisa aqoonta leh.

“Waxaa dhibka sii siyaadiyay markii ay dalka ka carareen dadkiisii waxbartay, si loo helo qaran tiirar adag ku taagan, waa in dadka aqoonta leh ay dalka dib ugu soo laabtaan”ayay tiri Najmo oo haatan maamusha urur u dooda xuquuqda dhalinyarada iyo haweenka.

Gabdhahan oo caruurtoodii uga soo tagay banaanka dalka ayaa kuu sheegaya in khatarta Muqdisho ay ugu bareereen si ay qayb uga noqdaan taariikhda cusub ee dalkooda u bilaabatay,iyagoo jeclaan lahaa inay caruurtoodana keenaan hadii ay xaaladu kasii hagaagto.

“Farxadeenu waxay dhammaystirmaysaa markaan dalkeena oo amaan ah aan aragno, oo aan caruurteena iskuul u dirsan karno annagoo wax walwal ah aan qabin” ayay sii raacisay Najmo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay Soomaali isugu jira rag iyo haween kasoo noqday wadamada qurbaha,kuwaasoo intooda badan bilaabay ku biiritaanka dawlada, aasaasitaanka ganacsiyo iyo waliba samaynta ururo ka shaqeeya arrimaha horumarinta bulshada.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Muqdisho , Soomaaliya





Post your comments

9/9/2012 10:15 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.

9/9/2012 8:55 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.

9/9/2012 8:35 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoonka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah murashaxiinta u taagan tartanka doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay tanaasul.

9/9/2012 7:42 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Qaraxyo is-xigay oo sababay dhaawacyada lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo ciidmaada dowladda ay kusoo qabteen in ka badan 70-qof baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddaas.

9/9/2012 6:59 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayey ayaa ka qaybgalay qalinjabinta 523 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

9/9/2012 4:19 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

9/9/2012 3:54 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Inta la xaqiijiyey lix ruux oo Soomaali ah iyo nin Itoobiyaan ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40-km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii habeen hore ay dukaamo halkaas ku yaallay weerareen kooxo burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika.

9/9/2012 3:41 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

9/9/2012 3:22 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taas oo ay uga hadleen doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah oo ku beegan Isniin.