Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 9 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.
Prof. Jawaari oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in baarlamaanka uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, balse shacabka looga baahan yahay inay xil iska saaraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen ilaalinta ammaanka guud ee dalka.
"Rabaatiaanka shacabka waa in la ixtiraamaa, golaha shacabka wuxuu ka tarjumayaa rabitaanka shacabka, sidaa daraadeed muwaadin kasta waxaan ka codsanayaa inuu is xilqaamo, waayo ammaanka ma ahan in ciidamada oo keliya ay ilaaliyaan, balse idinkana xil baa idinka saaran," ayuu yiri Prof. Jawaari oo shacabka la hadlayay.
Maalinta berri ah oo ay bishan September ku beegan tahay 10-ka ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 42-sano ka badan, waxaana maanta socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro qabsoomidda doorashadaas.
Afhayeenka baarlamanka wuxuu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay kusoo celin lahaayeen sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd dunida, isagoo xusay in meelaha qaarkood laga xishoodo Soomaalinimada, ayna taas meesha ka saari doonaan oo ay ka shaqeynayaan sidii qofka Soomaaliga ah uu ixtiraam dunida uga heli lahaa.
Dhanka kale, Prof. Jawaari wuxuu kula dardaarmay fannaaniinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan guubaabinta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadda iyo horumarka dalka, isagoo xusay inay fannaaniintu yihiin kuwo uu saaran yahay xil weyn.
Su'aal ahayd hadal kasoo baxay Puntland oo ahaa in haddii doorashada la musuq-maasuqo ay go'aan qaadan doonto ayuu kaga jawaabay: "Puntland Soomaaliya ayay ka mid tahay, doorashada waxay u dhacaysaa si xaq ah qofkii kusoo baxa ayaana Soomaaliya oo dhan hoggaamin doona."
"Way dhici kartaa in la isbiirsado oo koox-koox la isku raaco, balse waxaan kula taliyay xildhibaannada baarlamaanka inay murashax walba ku qiimeeyaan barnaamijiisa siyaasadeed," ayuu afhayeenka baarlamaanku ku yiri shirkiisa jaraa'id.
Ugu dambeyn, mar la weydiiyay in xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka ay ka qaybgalayaan doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaysa dalka berri oo Isniin ah ayaa sheegay in xubnahaas ay u bixiyeen guddi ayna ka war-sugayaan guddigaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
9/9/2012 4:26 PM EST
Soomaaliya waxay markii ugu horreysay mudo ku dhow 22 sano ay isu diyaarinaysaa doorasho madaxtanimo oo ka dhacda dalka gudihiisa, taasoo sii xoojinaysa rajada ay Soomaali badan oo qurbaha ku nool ay ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
9/9/2012 10:15 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.
Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
9/9/2012 8:35 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoonka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah murashaxiinta u taagan tartanka doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay tanaasul.
Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
9/9/2012 7:42 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Qaraxyo is-xigay oo sababay dhaawacyada lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo ciidmaada dowladda ay kusoo qabteen in ka badan 70-qof baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddaas.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
9/9/2012 6:59 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayey ayaa ka qaybgalay qalinjabinta 523 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
9/9/2012 4:19 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
9/9/2012 3:54 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Inta la xaqiijiyey lix ruux oo Soomaali ah iyo nin Itoobiyaan ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40-km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii habeen hore ay dukaamo halkaas ku yaallay weerareen kooxo burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley
9/9/2012 3:41 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho
9/9/2012 3:22 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taas oo ay uga hadleen doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah oo ku beegan Isniin.
Somali News
Somali Candidate Warns Lawmakers of Alleged Bribery
-
VOA
9/10/2012 12:22 AM EST
A Somali presidential candidate urged lawmakers not to be influenced by alleged vote buying as they prepare to elect a new president Monday.
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
-
HOL
9/9/2012 3:53 PM EST
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
Presidential candidates make speeches to new Somali MPs
-
PressTV
9/9/2012 3:21 AM EST
Twenty-five qualified candidates are set to compete in the elections and were allotted 20 minutes each to present to parliament their political philosophies. In his speech former Somali Premier Mohamed Abdullahi Farmajo who enjoys majority public support warned legislators against electing leaders on the basis of improving their political future.
Iman: Somalia’s Most Famous Export
-
VA
9/9/2012 3:01 AM EST
Iman Mohamed Abdulmajid, known professionally just as Iman, is often referred to as Somalia's most famous export. Born in Mogadishu in 1955, she has gone on to become a world-renowned high-fashion supermodel, and has set up her own cosmetics business and clothing line.