Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Sept 8 , 2012
Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah ku sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadkan, waxayna ku hanjabeen haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.
Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inay si xooggan uga digayso inay sii socdaan muqmuqaasuqyadii horay lasoo arkay iyo in la carqaladeeyo doorashada ka dhacaysa Muqdisho maalmaha soo socda.
"Waxaan kaalin buuxda ku lahayn heshiiskii Roadmap ee Soomaaliya looga saarayay xilliga KMG ah, waana soo dhaweynaynaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG-nimada, balse ma ogolaanayno in doorashada la lunsado," ayay Puntland ku sheegay warka ay soo saartay.
Maamulka Puntland wuxuu ka mid yahay maamullada ka jira Soomaaliya, waxaase ka jirtay 15-kii sano ee ugu dambeeyay dowlad-goboleed iyo degenaasho, inkastoo ay dhowr jeer isku qabteen madaxda Puntland iyo kuwa dowladda Soomaaliya sida loo maamulayo deeqaha dalka soo gala iyo daqliga gudaha dalka kasoo xarooda.
"Doorashadii guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Cismaan Jawaari waan soo dhaweynay, balse waxaan ku dhiirigelinaynaa inuu dhowr shuruucda iyo habka shaqo ee baarlamaanka iyo dastuurka federaalka ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Puntland.
Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday xildhibaannada cuusb ee baarlamaanka Soomaaliya inay doortaan hoggaamiyeyaashii hore loo tijaabiyay ee ku guul-darreystay howlihii loo idmaday, balse loo baahan yahay in la doorto hoggaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin kara jidka wanaagsan.
"Haddii lagu soo doorto hoggaamiyeyaashii guuldarreystay si aan cadaalad ahayn, Puntland waxay qaadanaysaa go'aan ay aayaheeda uga tashanayso, si waafaqsan dastuurka u yaalla," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.
Puntland kuma aysan sheegin warsaxaafadeedkeeda cidda ay ula jeeddo hoggaamiyeyaasha guuldareystay, sidoo kale, Puntland ma aysan sheegin go'aanka ay qaadnayso nooca uu noqon doono haddii lasoo doorto hoggaamiyeyaasha ay dhaliilsan tahay ee aanay magacyadooda sheegin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
9/8/2012 7:14 PM EST
Sabti, 8-da September 2012(HOL): Waxaa magaalada Katrineholm ee dalka Sweden lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashada hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxnimada Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo ay munaasabadda ahayd mid si weyn loo soo agaasimay.
Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
9/8/2012 4:35 PM EST
Saturday, Sabti, September 08, 2012 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogleh oo loogu jiro doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.
Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
9/8/2012 9:56 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Wasiirka wafaafinta Itoobiya ahna afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegtay inay wadahadallo nabadeed la yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
9/8/2012 8:55 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhismaha maamul gobolleed ay ku baaqeen mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca kadib kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay ku lahaayeen gobollka Galguduud.
Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
9/8/2012 8:32 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta mar kale ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir howlgallo lagu soo qabqabtay in ka 166-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa dhallinyaro.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
9/8/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.
Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
9/8/2012 7:16 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho kaddib xanuun oo maalmahaan u jiifay, waxaana isla maanta lagu aasay Muqdisho.
Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
9/8/2012 6:36 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Iska-horimaad socday saacado ayaa xalay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.
Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
9/8/2012 4:23 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.
Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
9/8/2012 3:58 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay 150 walxo qarxo ah iyo qalabkii lagu qarxinayay ay ka heleen guri ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay oo Jimco ahayd.
Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed
9/8/2012 3:40 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay 15-kii murashax ee haray ay barnaamijkooda siyaasadeed ka horjeediyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay ay 10-murashax barnaamijkooda jeediyeen.
Somali News
Ethiopia’s Government in Peace Talks With Ogaden Rebels
-
BW
9/8/2012 12:45 PM EST
Ethiopia’s government is in peace talks with the Ogaden National Liberation Front, an outlawed ethnic-Somali rebel group, Communications Minister Bereket Simon said.
Somali presidential candidates give speeches in front of parliament
-
Sabahi
9/8/2012 2:50 AM EST
The Somali parliament held a special session on Friday (September 7th) to listen to the speeches of the country's presidential candidates.
Ethiopia: Despots like Meles fail to grasp that there are far smarter ways to deal with critics
-
Daily Nation
9/8/2012 2:45 AM EST
On September 2, Ethiopia’s Prime Minister Meles Zenawi was buried in the capital Addis Ababa. It was an emotional event, and the high and mighty of Africa all assembled, and messages poured in from all over the world.
Kenyan police seize over 150 bomb detonators from Nairobi house
-
Reuters
9/8/2012 2:33 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Kenyan police seized more than 150 detonators in Nairobi on Friday, highlighting the security risks the east African country faces ahead of an election next year because of its struggle with al Qaeda-linked militants in neighbouring Somalia.
Unemployment causes more mental health problems among Somalis in London than in Minneapolis
-
Medical Xpress
9/8/2012 2:25 AM EST
Somali immigrants to the UK and USA appear to integrate better and have fewer mental health problems if they are allowed to work and they receive practical support during the first few years of their time in the new country, according to a study
Politics Hinders Capture of Somalia's Kismayo
-
VOA
9/8/2012 1:59 AM EST
NAIROBI, Kenya — For months, the media have used words like “looming” and “imminent” to describe a long-anticipated, concerted military assault on Somalia's coastal city of Kismayo, the last remaining stronghold of militant group al-Shabab, and the financial hub for its operation.