Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Maal-gelisay Iskuul ay dadka Indhoolayaasha ah wax ku bartaan oo Muqdisho laga furay
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

Dabiyada iskuuulka ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka tarjumaya wanaagga ay waxbarashadu u leedahay aadanaha nooc walba oo uu yahay.

Mas'uul ka tirsan maamulka iskuulka oo lagu magacaabo Ibraahim C/llaahi Maxamuud oo hadal kooban jeediyey xafladda ayaa sheegay in iskoolka la furay sannadii 2005, balse uu burburay, maantana ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay shirkadda Hormuud dib u furayso.

Madaxa waaxda xiriirka guud ee shirkadda Hormuud, Cabdirashiid Cali Ceynaanshe ayaa saxaafadda u sheegay in iskuulka Al-nuur oo ay hadda ku jiraan 54 arday oo Indhoolayaal ah si lacag la’aan ah wax lagu barayo; iyadoo jiif iyo cunnaba loo diyaariyay illaa laga gaarsiinayo heer jaamacadeed.



Cumar C/salaan Diirye oo indhoole ah kana mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay furitaanka iskuuulkan loogu talogalay in dadka indhoolayaasha ah ay wax ku bartaan.

Qaar ka mid ah ardayda indhoolayaasha ah ee wax ka barata iskuulka ka ayaa uga mahad-celiyey shirkadda Hormuud dadaalka ay u gashay kor u qaadidda noloshooda waxayna balan-qaadeen inay ka faa’iideysan doonaan fursaddan qaaliga ah ee la siiyay.

Ardayda oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa waxaa loo diyaariyay jiif, cunno iyo waxbarasho lacag la’aan ah oo ay bixinayaan macalimiin aqoon leh, sidoo kalana waxaa xafladda lagu soo bandhigay qalabkii iyo aaladihii ay wax ku baran lahaayeen ardayda indhoolayaasha ah.

Dugsiga Al-nuur waa iskuulkii ugu horreeyey ee wax lagu barayo dad indho la’ oo laga aasaaso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen muddo ka badan 20-sano.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay maalgeliso iskuul ay wax ku bartaan ardayda indhoolayaasha ah, iyadoo looga bartay inay gargaarro siiso isbitaallada iyo dadka jilicsan ee ku nool Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.