Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Warar kala duwan oo kasoo baxaya dabkii xalay ka kacay dhul ballaaran oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee maamulka dowladda Soomaaliya, Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyna ayaa sheegay in dabkaasi uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay dhul gaaraya illaa 40-km oo isku wareeg ah, isaga oo sheegay in uu dabkaasi sababay khasaare naf iyo maalba leh.

"Dabkaas sida naloo soo sheegay waxaa ku dhintay labo curuur ah, waxaa uu baabi’iyay xoolo iyo guryo ay ku noolaayeen dadka reer miiyi’ga ah ee halkaa ku dhaqnaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxaas.

Sidoo kale, Muumin Xalane wuxuu intaa ku darray in markii hore lagu soo wargaliyay in ay dhinteen ilaa afar ruux, hasse ahaatee ay hadda wararka ku hayaan in ay dhinteen labo caruur ah.

Laakiin haddana marka aad dhinaca kale eegto qaar ka mid ah dadka deeegaanka oo ay warbaahinta  xiriir la sameysay ayaa sheegay in aysan ka war heyn khasaare dadka ka soo gaaray dabka.
 
"Dad ay caruur ka mid ahaayeen oo markii hore dabka  lagu waayay waa jireen, laakiin  dadkaasi waa la hellay markii danbe,’’ ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ah dadkii ku noolaa deegaannada uu dabku ka kacay.

Inkastoo wali aad mooda in aan leysku waafaqsaneyn  khasaare dadka ka soo garay dabka,  ayaa haddana marka la eego baaxada uu lahaa iyo dhulka laga sheegay in uu ku fiday waxaa hubaal ah in uu jiro khasaare intii la doonaba hala ekaadee soo gaaray dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada la sheegay in uu ka kacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.