Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Dab khasaare culus geystay oo xalay qabsaday dhul keymo ah oo ku dhow Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Dad ku sugan deegaannka Moqokori oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay sida ay hadalka u dhigeen in badan oo ka mid ah xoolihii ay dhaqanayeen dadkii reer miyi'ga ahaa ee ku noolaa dhulka keymaha ah, sidoo kalana uu la tagay dhamaan guriyihiin cooshadaha ka sameysnaa ee ku yaallay halkaa.

"Dabka waxaa uu socday qiyaastii labo Saac iyo bar xiriir ah, ilaa iyo hadda inta aan og-nahay waxaa halkaa ku baaba’ay in badan oo ka mid ah xoolihii ay dhaqanayeen reer miyi'ga, sidoo kalana waxaa uu dabku baabi’iyay guriyihiin ay ku noolaayeen dadkii halkaa ku dhaqnaa,’’ ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Moqokori.

Xiriir kala duwan oo ay HOL la sameysay dadka deegaannka ilaa iyo hadda ma aysan sheegin cid wax ku noqotay dabka, laakiin marka dhinaca kale la eego baaxada uu dabku lahaa waa ay dhici kartaa ayeey leeyihiin dadka qaarkii ay jiri karaan dad wax ku noqday.

Dad ka soo kala gurmaday degmada Maxaas, Moqokori, iyo deegaannada kala ah Suubo iyo Cadiimo, ayaa ugu danbeytii ku guuleystay in ay damiyaan dabka, mana jirin gacan kale oo ay heleen dadka ku dhaqan dhulka uu dabku ka kacay.

Illaa iyo hadda ma jirto sabab la sheegay in uu dabkaasi ka kacay, hasse ahaatee marka aad eegto dhaqamada dadka reer miyi'ga ah waxaa caado u ah in marka uu gabalku dhaco ay shitaan dab kaasoo laga yaabo in dabeysha xiliyada habeenkii soo dhacda ay u gudbisay dhulka intiisa kale.

Deegaannka Moqokori waxaa maamula oo gacanta ku haya Xarrakada Al-shabaab ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo dhinacooda ka soo baxay, waana markii ugu horeysay oo dab baaxadaa leh uu qabsado dhulka howdka ah ee ku yaala deegaannada hoos taga tuullada Moqokori oo ka tirsan degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan,com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.