Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 30, 2012
Dibadbax lagu taageerayo Guulaha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ay ka gaareen dagaalka Kismaayo oo Muqdisho ka dhacay
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Boqolaal dadweynaha ah oo deggen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isu-soo-bax weyn ka dhigay degmadaas, kaasoo ay ku taageerayeen guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ka gaareen dagaalka degmada Kismaayo.
Dibadbaxan oo qabashadiisa ay iska kaashadeen hay'adda CCD, maamulka degmada Wardhiigley iyo ayaa ururrada haweenka degmadaas ayaa waxaa ka qaybgalay dadweynaha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Wardhiigley iyo guddoomiyaha haweenka degmada Wardhiigley, ku xigeenka safiirka Jabuuti iyo madax kale ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay dibadbaxa iyagoo ka hadlay guulaha ciidamadu ka gaareen dagaalka Kismaayo.
"Guulaha Kismaayo laga gaaray waxay astaan u tahay soo afjaridda Al-shabaab iyo dhagartoodii diin ka been sheegidda ahayd," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,Cabdisamad Macallim Maxamuud intaasi raaciyay inay jiraan daldaloollo ay suurogal tahay inay kooxahani uga faa'iideystaan wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay ka hortagaan.
Sidoo kale; guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa khudbad dhinacyo badan halkaasi ka jeediyay, isagoo hoosta ka xariiqay in kooxda Al-shabaab mar haddii Kismaayo ay isaga baxeen ay kusoo laabanayaan magaalada Muqdisho si ay dib uga bilaabaan falalkoodii guracnaa.
Sidoo kale, Tarsan wuxuu xusay in dagaalyahannadii Al-shabaab ee Kismaayo laga ka baxay ay Muqdisho ku dhuumaanayaan, wuxuuna sheegay in shacabka Muqdisho ay soo sheegaan kooxaha dhuumaaleysanaya, isagoo u ballanqaaday qofkii soo sheega Al-Shabaab damacsan inuu fal geysto oo arrintaasina run ay noqoto la siin doono lacag dhan $2000 (Laba Kun Dollar).
Maxamed Cali Jaamac oo ah ku xigeenka safiirka Jabuuri ayaa sheegay in Jabuuti ay ka go'an tahay inay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadooda jooga magaalada Baladweyne ay caawiyeen.
Xubnihii ka hadlay dibadbaxa waxaa ka mid ahaa: guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf, kuwaasoo dhammaantood xusay in si wadajir ah looga hortago kooxaha doonaya inay dhibaatooyinka ka sameeyaan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Bam lagu Weeraray Kaniisad ku taalla Deegaan ku dhow Xaafadda Islii ee Magaalada Nairoib oo khasaare nafeed geystay
9/30/2012 6:36 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Hal cunug ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam gacmeed ku tuureen kaniisad ku taalla deegaanka Kamakuunji ee magaalada Nairobi oo ku taallo xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.
Maraakiib dagaal oo xalay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Nabaddoon caan ah oo xalay lagu dilay degmadaas
9/30/2012 6:21 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.
Kooxo hubeysan oo Magaalada Baydhabo ku toogtay saakay Askari ka tirsanaa kuwa cashuura Maamulka Gobolka Bay
9/30/2012 4:16 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.
Ururrada Bulshada Rayidka oo Warbnixin kasoo saaray kulan Afar Casho uga socday Muqdisho iyo kulan ay la qaateen Madaxewynaha
9/30/2012 3:48 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho afartii casho ee lasoo dhaafay iyo kulan kale oo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen warbixin ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan xasilinta dalka.
Xukuumadda Mareykanka oo ka hadashay dagaalka Kismaayo kuna baaqay in la adkeyo Ammaanka Magaaladaas
9/30/2012 3:34 AM EST
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.
Somali News
HEES CUSUB: Dabka Dhiga
-
Gaadaco
9/30/2012 7:55 PM EST
Hees Cusub: Dabka dhiga
How KDF used spy planes to seize Kismayu
-
Daily Nation
9/30/2012 3:53 PM EST
Sophisticated intelligence gathering tactics that included using pilotless spy planes and infiltration of Al-Shabaab terrorist group resulted in the amphibious attack on the port city of Kismayu on Friday.
Troops search for missing men
-
Daily Nation
9/30/2012 3:47 PM EST
African Union forces which captured Somalia’s port city of Kismayu on Friday are looking for two Kenyans kidnapped in Wajir by Al-Shabaab militants early this year.
Blast Kills Boy at Church in Kenya
-
New York Times
9/30/2012 3:41 PM EST
MOMBASA, Kenya — A 9-year-old boy was killed and several other children were wounded on Sunday when a grenade was hurled into a church in Kenya’s capital, Nairobi, two days after Kenyan forces invaded the last major stronghold of the Shabab militant group in Somalia.
Two Kenyan police shot dead near Somalia border
-
Reuters
9/30/2012 3:30 PM EST
GARISSA, Kenya Sept 30 (Reuters) - Two police officers were shot dead in Kenya on Sunday in the northern town of Garissa close to the border with Somalia, police said, hours after a child was killed in a grenade attack on a church in Nairobi.
Minnesota Trial could expose al-Shabab recruiting
-
AP
9/30/2012 1:57 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A Minnesota man accused of helping to recruit and finance U.S. fighters for an overseas terror group heads to trial Monday in a case that's expected to show how some young Somali expatriates in Minneapolis were persuaded to risk their lives for insurgents back home.
Video: Al-Shabab rebels out of key Somali town
-
Aljazeera
9/30/2012 1:28 PM EST
Rebel al-Shabab fighters have pulled out of the southern port city of Kismayo, their last stronghold in the country, after a military assault by Kenyan and Somali troops, the rebels have said.
Somali rebels retreat from last bastion
-
Reuters
9/30/2012 11:41 AM EST
Somalia's al-Shabaab rebels retreated from the southern port of Kismayu overnight, abandoning the last major bastion of their five-year revolt to an offensive by African Union and Somali government troops.
Somali militants, on run for last year, flee invading forces to avoid casualties, experts say
-
AP
9/30/2012 11:36 AM EST
MOGADISHU, Somalia - The al-Qaida-linked rebels who once controlled nearly all of Somalia's capital and sowed fear throughout the southern part of the country are fleeing their last remaining stronghold because they are outgunned and don't want heavy losses, experts said Sunday.
Lawlessness in Somali port after Islamist retreat
-
AFP
9/30/2012 9:06 AM EST
MOGADISHU — Lawlessness is reigning in the Somali port city of Kismayo, where gunmen have killed at least three people since the Al-Qaeda-linked Shebab abandoned their last bastion there, residents said on Sunday.
Kenya navy shells Somali town after rebels announce retreat
-
Reuters
9/30/2012 9:01 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Kenyan warships shelled the southern Somali port of Kismayu overnight after al Qaeda-linked rebels said they had abandoned the city, residents said on Sunday.