Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo baaritaanno ku sameeyay Degmada Afgooye kaddib dagaallo xalay ka dhacay
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno dad lagu qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal xalay ka dhacay degmadaas.

Dabley la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tisran yihiin ayaa xalay weerarro ku qaaday saldhigga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye oo magacyadooda qariyay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay inay arkeen maydadka laba qof oo ka mid ahaa labadii dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ayaan ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmadaas iyo khasaaraha uu dhaliyay, balse mas'uuliyiin u hadlay Al-shababa ayaa sheegay inay iyagu xalay weerareen degmada Afgooye.

Baaritaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sameeyeen maanta ayay kusoo qabqabteen dad badan oo ay la xiriirinayaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxaase xubno saraakiisha dowladda ka tirsan ay sheegeen in baaritaanno kale la marin doono dadka lasoo qabqabtay.

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay gacanta ugu jirtaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaasoo kala wareegay Al-shabaab dhammaadkii bishii May ee sannadkan. Dhowr ayayna ka dhaceen weerarro noocan oo kale ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/3/2012 9:24 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in maraakiib dagaal oo Kenya ay leedahay ay duqeeyeen maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

9/3/2012 8:34 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.

9/3/2012 7:09 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Musharxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu xiray shuruudo cusub, iyadoo guddigu ay soo jeediyeen in murashaxa xilka u tartamaya uu haysto baasaboor Soomaali ah ama dhalasho u dhiganta.

9/3/2012 3:05 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay xaafadoka tirsan degmooyinka Howadaag iyo Huriwaa, iyadoo sidoo kale bam lagu weeraray shalay gallinkii dambe ciidammo booliis ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

9/3/2012 3:04 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal iyo maraakiib ayaa xalay duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan difaacyada ay Al-shabaab uga jiraan deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas.