Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo xalay duqeymo ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal iyo maraakiib ayaa xalay duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan difaacyada ay Al-shabaab uga jiraan deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas.

Madaafiicdan oo aan la garanayn khasaaraha ka dhashay ayaa waxay ku dhaceen deegaannada Birta-dheer iyo Jannaay-cabdalla oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada la duqeeyay ayaa sheegay in gantaalladu ay ahaayeen kuwo xooggan, balse aanay ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxanaa tani ay kordhisay walwalka ay shacabka ku nool Kismaayo ka qabaan in magaladooda uu dagaalku soo gaaro.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay dagaallo culus oo khasaare badan geystay ay ka dhaceen duleedka iyo gudaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay saraakiisha AMISOM sheegeen inay ciidamadooda qabsadeen.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeyntii xalay, waxaana gobolkaa ay u noqonaysaa habeenkii labaad oo duqeymo ay ka geysanayaan diyaarado dagaal iyo maraakiib ku sugan xeebaha gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni oo ay la socdaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay qorsheynayaan inay galaan degmada Kismaayo, inkastoo Al-shabaab ay dhowr jeer sheegtay inay difaacanayso degmadaas oo ah mid istiraatiiji ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/3/2012 9:24 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in maraakiib dagaal oo Kenya ay leedahay ay duqeeyeen maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

9/3/2012 8:34 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.

9/3/2012 7:13 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno dad lagu qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal xalay ka dhacay degmadaas.

9/3/2012 7:09 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Musharxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu xiray shuruudo cusub, iyadoo guddigu ay soo jeediyeen in murashaxa xilka u tartamaya uu haysto baasaboor Soomaali ah ama dhalasho u dhiganta.

9/3/2012 3:05 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay xaafadoka tirsan degmooyinka Howadaag iyo Huriwaa, iyadoo sidoo kale bam lagu weeraray shalay gallinkii dambe ciidammo booliis ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.