Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 26, 2012
Munaasabad lagu sagootinayay Madaxweynihii hore ee Somalia lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub oo Muqdisho ka dhacday
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaflada oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo hadal-qaaday xaaladaha amaan-dari ee maalmihi lasoo dhaafay ka jiray Muqdisho kuwaasoo isugu jiray dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, isagoo tacsi u diray dhammaan ehelada iyo asxaabta dadkii Soomaaliyeed ee ay ku jireen suxufiyiinta ee ku dhintay rabshadaha taagan.
Mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare samatabixin kara shacabka Soomaaliyeed, kana soo bixi kara howsha loo xil-saaro.
"Waxaa sharaf inoo ah maanta inaan isugu imaanno kuna sagootinno madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaana kusoo dhaweyno madaxweynaha cusub ee dalka, runtii waxaa lagu jiraa xalad kala guur ah arrinta ugu muhiimsan ee aan rabo inaan abaarno waxa waaye arrinta Ra'iisul wasaaraha, innagoo cosanayna in lasoo xulo ra'iisul wasaare karti leh," ayuu yiri Cumar Filish.
Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Muudeey oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaankii KMG ahaa ayaa ku amaanay maamulka degmada Wadajir horumarka xagga ammaanka ah ee ay degmada ku talaabsaday, isagoo dadka deegaanka ka codsaday inay maamulka la shaqeeyaan.
"Waxaan aad ugu faraxsannahay xafladan qiimaha badan ee ay dadka qaaliga ah kasoo qayb-galeen, aniga waxaan ka tirsanahay shacabka Wadajir, gaar ahaan xaafadda Jeneraal Daa,uud, waxaan rabaa inaan idiin sheego waxaa in badan la sheegay soo dhaweynta madaxweynaha cusub iyo sagootinta madaxweynihii hore marka aniga waxaan ka mid ahay dadka la sagootinayo, waxaan rabaa inaan xuso degmada Wadajir oo qiimo gaar ah inoo leh waxay kaloo inoo leedahay xusuus gaar ah waana qiimaha nabadgalyada oo aan isugu nimid xafladaan qiimaha badan," ayuu yiri Muuddeey.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) oo hadal dheer ka jeediyey munaasabadda ayaa u hambalyeeyay kooxda deegaan ee dalka Jabuuti oo xafladda kusoo bandhigtay heeso guubaabo ah.
Axmed Daaci ayaa ku amaanay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed shaqada uu ka qabtay amniga gaar ahaan Muqdisho, wuxuu tilmaamay in shaqadii uu qabtay ay suurogelisay in dalka markii ugu horreysay muddo 42 sano ah lagu qabto doorasho madaxnimo oo xor ah.
"Xafladaan waxaan ugu talo-galnay inaan kusoo dhaweyno madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aana sidoo kale ku sagootinno madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed. Marka hore waxaan u hambalyeynayaa Shariif Sheekh oo suuro-geliyay in maanta uu soo gaaro heer la isku doorto gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay shacabkan wuxuu u baahan yahay nabad, horumar iyo cadaalad sidaas daraadeed waxaan kaa codsanaynaa inaad xoogga saarto sugidda amniga iyo cadaaladda," ayuu yiri Axmed Daaci.
Munaasabaddan ayaa waxay noqnoaysaa tii ugu horreysay nooceeda oo Muqdisho lagu qabto iyo tii ugu horreysay ee lagu sagootiyay madaxweynihii hore ee Somalia laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee doorashadii madaxweynenimo ee dalka ku guuleystay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii lagu dilay dadka shacabka ah
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.
Khubarro ku Takhasusay Xasuuqyadda Dunidda ka dhaca oo Baaritaanno ku sameeyay Xabaallo-Wadareedyo ay ku jiraan Shacab lagu laayay Hargeysa
9/26/2012 8:36 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.
Danjire Augustine Mahiga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay ka baxayso xaaladihii ay muddada dheer ku soo jirtay
9/26/2012 8:07 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.
Kenya oo sheegtay inay burburisay kaydad hub oo Al-shabaab ay ku lahayd Kismaayo iyo Al-shabaab oo beenisay Arrintaas
9/26/2012 7:34 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Ciidammo Ammaanka suga lagu daadiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir
9/26/2012 4:11 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Afhayeen si kulul uga hadlay go'aankii Mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam uu ku sheegay inay kaga baxeen Al-shabaab
9/26/2012 3:53 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.
Marakiib dagaal oo duqeeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
9/26/2012 3:29 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.
Somali News
In Somalia, a war on journalists
-
McClatchy
9/26/2012 10:00 AM EST
It was a Thursday afternoon in Mogadishu, Somalia's capital, when I decided to head to the popular new restaurant known as The Village, opposite the National Theater. That decision almost ended my life.
Kenyan fighter jets bomb Somali city
-
Al Jazeera
9/26/2012 3:05 AM EST
Aircraft target airport in southern city of Kismayo, where Kenya says al-Shabab is operating its last major base.
Shaping Somalia's Political Landscape: Halima Ismail Ibrahim - Co-Chair Technical Selection Committee
-
Huffington Post
9/26/2012 3:00 AM EST
At the age of 15 Halima Ismail Ibrahim was already advocating for women's rights at her high school in Afgoye, 30 km from Mogadishu.
Lewiston Mayor's Somali Remarks Spark Criticism
-
MPBN
9/26/2012 2:57 AM EST
Lewiston Mayor Robert MacDonald is once again facing criticism for remarks he made about Somali refugees in Maine's second-largest city. In a recent interview with the British Broadcasting Corporation, Mayor MacDonald said immigrants are "costing us a lot of money" and they should "accept our culture and leave your culture at the door." Last year the mayor apologized for comments he made on election night when he said the wanted to make the city less attractive to deadbeats, many of whom don't speak English. As Susan Sharon reports, members of the Maine Global Institute are now requesting a meeting with the mayor.
Somali parliament convenes in Mogadishu
-
Sabahi
9/26/2012 2:55 AM EST
Somalia's new parliament met in Mogadishu on Monday (September 24th) for the first time since lawmakers elected President Hassan Sheikh Mohamud on September 10th.
K'naan offers glimpse into his childhood in first kids' book `When I Get Older'
-
CP
9/26/2012 2:54 AM EST
TORONTO - As a newcomer to Canada, K'naan was able to find a source of both solace and expression through music.
Judge sets sentencing date for North Jersey men in overseas terror case
-
North Jersey
9/26/2012 2:49 AM EST
A federal judge in Newark has set a sentencing date of Feb. 4. for two North Jersey men who pleaded guilty last year to charges of conspiring to commit murder overseas on behalf of an al-Qaida-affiliated group operating in Somalia.
Kenyan army airlifts water to Jana Abdalla after al-Shabaab poisons wells
-
Sabahi
9/26/2012 2:45 AM EST
The Kenya Defence Forces (KDF) airlifted water to allied troops in the Somali town of Jana Abdalla to alleviate a water shortage after al-Shabaab poisoned water sources, Kenya's The Star reported Monday (September 24th).
Somalis condemn killing of citizens by Kenyan troops
-
PressTV
9/26/2012 2:44 AM EST
Fighting for the control of Somalis coastal port town of Kismayo is raging as Kenyan forces from the African Union and Somali government forces plan on capturing the strategic town from the Al-Shabaab fighters.
How Social Good Summit Sparked the Largest Conversation on Earth
-
Mashable
9/26/2012 2:39 AM EST
A suicide bombing exploded outside of one of the only Internet cafes in Somalia's capital last Thursday. Three days later, the cafe's owner spoke on one of the Social Good Summit Mogadishu's Global Conversation panels.