Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Sept 21, 2012
Fannaankii Weynaa ee Soomaaliyeed Faysal Cumar Mushteeg oo saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Somaliland
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Alle ha u naxariistee fannaankii weynaa ee Faysal Cumar Mushteek ayaa xalay goor dambe ku geeriyooday jidka isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Berbera dhexdoodda oo la doonayey in dhakhtar dibadeed loo diro.
Marxuum Faysal Cumar Mushteek ayaa toddobaadkii u dambeeyey xanuunsanayey, waxaana shalay ahaaan la doonayey in loo qaado Addis ababa si uu uga qaata fiisaha dal ku galka ingiriiska, haseyeeshee nasiibka ma gaadhsiin ka dib markii xanuunku ku sii siyaaday, diyaaradii uu raaci lahaana baaqatay ayaa dib looga soo celiyey magaaladda Berbera, waxaanu ku geeriyooday dhexda wadadda u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, isagoo loo soo waddo magaaladda Hargeysa.
Faysal Cumar Mushteek ayaa ka mid ahaa foolaadka fanka soomaaliyeed, waxaanu nusqarnigii u dambeeyey ku jiray hawlaha fanka, isagoo lahaa heeso badan oo u badan qaraami,aadna loo jeclaa oo aan ilaa hadda isbedelin oo wakhti walba la jaan qaadaya.
Fanaanku waxa uu fanka ka hor ahaa macalin, gobolo badan oo Soomaaliyana wax ka dhigay, waayadii dambena dhexgalay Moojadda fanka si weyna loogu bartay fanka iyo heesaha kala duwan, taariikh badana ku lahaa fanka soomaalida, isagoo ilaa lixdaamaadkii ku soo jiray, kana mid ahaa raggii fanka casriga ahaa ee soomaalidda aasaasay.
Alla ha u naxariistee, Faysal Cumar Mushteek heesihiisa kuwa caanka ah waxa ka mid ahaa heesta la yidhaa lacageey, ( lacagay lacagay dadka kala labeeyaan, liitaha gargaaraa, laqan hoos u celiyaay, Haween lahaanshadooddaay ).
Marxuumka ilaahay waxaanu u baryeynaa inuu janaddu fardawsa geeyo, Qabrigana naacow udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Wariye kale oo goordhow ay kooxo hubaysan ku toogteen magaalada Muqdisho
9/21/2012 8:50 AM EST
Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogtay wariye Xassan Yuusuf Absuge oo kamid ahaa warfidiyeenka ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho
9/21/2012 6:16 AM EST
Jimco, September 21, 2012(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xuquuqda aadanaha ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuurtay ciddii ka dambeysay qaraxii lagu halaagmay ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta oo la soo gaariiyay HOL uu u qornaa sidan:
Wariyeyaashii ku geeriyooday Weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho oo Maanta la Aasayo
9/21/2012 4:46 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Warieyaashii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, iyadoo tani ay ka dhigayso tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya 12-wariye oo intooda badan ku dhintay Muqdisho.
Mareykanka oo hadlay Dagaallada Jubbooyinka ee Kenya ay ku doonayso inay ku qabsato Magaalada Kismaayo
9/21/2012 4:24 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka, kuwaasoo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Qaraxyadii Muqdisho aysan dowladda ka leexinayn hadafkeeda Siyaasadeed
9/21/2012 4:15 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay kuwo fulaynimo ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan.
Tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay oo korortay iyo Al-shabaab oo aan weli ka hadlin
9/21/2012 4:13 AM EST
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa aad u sii kordhay, iyadoo tiradu ay haadda marayso 22-qof oo shacab u badnaa, iyadoo aysan weli ka hadlin weerarkan Xarakada Al-shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay.
Somali News
More than 10000 people flee Somalia's port city of Kismayo: UN
-
PressTV
9/21/2012 8:53 PM EST
Over 10,000 people have left Kismayo in southern Somalia days after UN-backed African Union forces launched a military operation against al-Shabab militants, UN refugee agency says.
Kenya increases security measures after militants issue threats
-
Sabahi
9/21/2012 8:52 PM EST
Kenyan security officials have asked citizens to be on alert for possible terrorist attacks after the al-Shabaab-affiliated Muslim Youth Centre (MYC) vowed to retaliate when allied forces liberated Kismayo.
Fourth Somali journalist killed in Mogadishu in 24 hours
-
CPJ
9/21/2012 8:46 PM EST
Nairobi, September 21, 2012--Unidentified gunmen killed veteran Somali journalist Hassan Yusuf Absuge in Mogadishu this morning, just hours after he had reported on an explosion that killed 14 people including three of his colleagues.
Somali café owner defiant after latest brush with death
-
The Independent
9/21/2012 8:45 PM EST
Ahmed Jama's dream of opening a string of restaurants in his home city has been a costly one. The would-be catering mogul has lost relatives, friends, staff and customers. Now he faces the task of rebuilding his beloved Village Café in central Mogadishu after it was devastated in a twin suicide bombing on Thursday evening.
Suicide bombers kill 15 in Somali capital
-
Reuters
9/21/2012 5:26 AM EST
MOGADISHU, Sept 20 (Reuters) - Two suicide bombers walked into a restaurant in central Mogadishu and killed at least 15 people on Thursday, police said, highlighting the security challenges facing the country's new president.
Somali president will not attend upcoming United Nations meetings
-
Sabahi
9/21/2012 2:19 AM EST
President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud said Tuesday (September 18th) that he will not attend the upcoming 67th session of the United Nations General Assembly in New York, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.
Kenyan court jails al Shabaab member for 59 years
-
Daily Times
9/21/2012 2:17 AM EST
NAIROBI: A Kenyan court sentenced a Somali national to 59 years in jail on Thursday after he confessed to being a member of the al Qaeda-linked al Shabaab rebel group following his arrest in the capital Nairobi last week.
Somali-Canadian politician and journalist escapes death in suicide bombing
-
Toronto Star
9/21/2012 2:14 AM EST
Ahmed Abdisalam Adan is a survivor and despite nearly dying in a suicide bombing that killed two of his friends, the Somalia-born Canadian considers himself one of the lucky ones.
EUNAVFOR pledges to remain committed to antipiracy effort
-
Breaking Travel News
9/21/2012 2:11 AM EST
Rear Admiral Duncan Potts, EUNAVFOR Operation Commander for the European Union Naval Forces anti-piracy mission, paid a courtesy call on Seychelles President James Michel at State House. His visit follows their meeting in the United Kingdom in February this year during the President’s official visit to the United Kingdom, as well the President’s call on world leaders and organizations such as the United Nations and the European Union for more support in the fight against piracy.
Somali Community Advocate Talks Terrorism Concerns
-
Kaal
9/21/2012 2:09 AM EST
Bihi is a Somali community advocate. He says he knows a 21 year old man who recently left Minnesota for Somalia. His goal? Bihi says, Jihad.
Toronto Somali community’s cry: ‘Our kids are dying’
-
Toronto Star
9/21/2012 2:04 AM EST
Last week, Abdul Warsame spent an afternoon at the Khalid Bin-Walid mosque in the Rexdale neighbourhood mourning 28-year-old Abdulaziz Farah. In a fiery sermon to the hundreds gathered, he warned parents and youngsters that “it’s a matter of time until another Somali kid is killed.”