Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

Waxaana ku basbeelay aqalo tira badan oo Buushash ah, kuwaas oo ka sameysnaa Baco iyo baakado inkasta oo aysan jirin cid dabkaas ay waxyeelo kasoo gaartey, marka laga reebo haweeney waayeel ah oo dhaawac yari uu lugta ka gaarey kadib markii ay isku dayday in ay gurigeeda oo gubanaya wax kala soo baxdo.

Bulshada ku dhaqan xaafadda uu kaamkaasi ku yaal ayaa dadaal xoogan ku bixiyey sidii dabka loo xakameyn lahaa, maadaama cabsi weyn laga qabey in uu xaafadda inteeda kale ku fido, waxayna ugu danbeyntii ku guuleysteen in ay gacmahooda ku demiyaan.Ciidamada dabdemiska oo iyagu ah kuwo tiro yar marka loo eego baahida ay magaaladu qabto, qalab ku filanna aan haysan ayaa goobta soo gaarey waxyar kadib markii la damiyey.

Dabka ka kaca xeryaha barakacayaasha ayaan ahayn mid ku cusub dhegaha dadka magaalada Boosaaso ku dhaqan, haseyeeshee waxaa sanad walba marka lasoo gaaro xiliga xagaaga gubta kaamam badan iyadoo ay mararka qaarna dad ku dhintaan.


Dowladda hoose ee degmada Boosaaso ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii xeryaha barakacayaasha, magaalada looga dhex saari lahaa, waxaana lagu guuleystey in intoooda badan loo raro meel magaalada banaanka ah, halkaasoo ay hay'adaha samafalku guryo kumeel gaar ah oo badan uga dhiseen, waxaase weli jira qaar kusii haray xaafadaha dhexdooda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliy





Post your comments

9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.

9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.