Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.


Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo ku taalla Kismaayo ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay dagaalamaan inta ay hadafkaas ka suurogelinayaan, balse ma uusan sheegin inay dhici karto in iyagu ay meesha ka baxaan.

"Innagu cid gaar ah oo aan la dagaalsanayn ma jirto, waxaan u dagaalamayno waa inaan ka hirgelinno Soomaaliya ku dhaqanka sharciga Islaamka, inta taas suurogal ay ka noqonaysana waan dagaalamaynaa," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uusan waxba kaga duwanayn Shariif Sheekh Axmed, balse ay u arkaan inuu yahay nin kale oo ay wataan reer galbeedka si ay ugu gaaraan hadafka ay ka leeyihiin Soomaaliya.

"Mas'uulkii xilka laga qaaday waxaa lagu gaaray danihii la lahaa, midka xilka loo dhiibayna waxaa la doonayaa in inta hartay lagu gaaro, waayo dowladda dhalatay ayaa lagu sheegay mid heshiisyo geli karta, ujeedaduna waa in hantida dalkan la boobo oo keliya," ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Xarakada Al-sabaab ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxay dagaal kula jirtay dowladdii KMG ahayd ee ay Qaramada Midoobay taageeraysay si ay xukunka uga tuurto, balse Al-shabaab ayaa waxay sannadkan oo keliya lumiyeen dhul ballaaran oo ay horay uga talin jireen.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor qaraxyo ismiidaamin ah lagu weeraray hoteelka uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.

9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.