Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Sept 14, 2012
Bannaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.
Dibadbaxan oo ay ku jireen ardayda wax ka barta dugsiyada Baydhabo ayaa socod ku maray gudaha degmadaas, iyagoo sitay boorar iyo sawirrada madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, kuna dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan isbedelka dhinaca hoggaanka ah ee dhacay.
Mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah oo hadallo ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yuahay inay gacan siiso shacabka ku nool Baydhabo oo dhibaatooyin badan soo maray sannadihii ugu dambeeyay.
Taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo milateriga gobolka Bay, Col. Mahad iyo Jen. Mad-Mad oo labaduba ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in dowlada cusub looga fadhiyo inay garab-istaagto shacabka gobolka Bay isla markaana ay daryeesho ciidamada dowlada ee ka howl-gala gobolladan.
“Ummadda Soomaaliyeed waxaa u baryay waa cusub, wixii dhacay 10-kii bishaan waxaan dhihi karaa waa nasri Alle ummaddan siiyay; waana billowga hormarka shacbiga Soomaaliyeed... haddaba annigoo ku hadlaya magaca shacbiga ku dhaqan gobolka Bay waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaaan balan-qaadeynaa inaan la garab istaagi doono taageero... waxaan ka codsanaynaa inuu gobolkan ka dhigo gobolkii u horreeyay ee uu soo booqdo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo ka hadlay dibadbaxa.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macalin Axmad (Biikole) oo isaguna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in shacabka Baydhabo ku nool ay aad ula dhacsan yihiin isbedelka dhacay ayna farxadda la qabaan dhammaan ummadaha kale ee Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta gobolka Bay ayaa waxay dowlada cusub kula taliyeen inay la timaaddo dowladnimo-wanaag ayna madaxdeedu noqdaan qaadumiin qaran iyo shacabka Soomaaliyeed ugu adeegga sida ay doonayaan, si looga gudbyo 21-sano oo dhibaatooyin ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
XASAN SHEEKH MAXAMUUD: "Qaraxyadii Argagaxisada ahaa nagama leexin doonaan Jidka Horumarka iyo Isbedelka"
9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.
Qoysas badan oo ku guryo beelay dab Qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso
9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Cambaareeyey xariga laba Wariye loogu geystay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal
9/14/2012 4:37 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.
Al-shabaab oo sheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayso in Somalia oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka
9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.
Taliska Milateriga Soomalaiya oo sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya Xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda lagu celiyo
9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay
9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.
Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya
9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Somali News
Officials: Kenyan police stop major terror attack
-
AP
9/14/2012 12:24 PM EST
NAIROBI, Kenya—Kenyan police disrupted a major terrorist attack Friday in its final stages of planning, arresting two people with explosive devices and seizing a cache of weapons and ammunition, officials said.
Somalia in the spotlight at fair
-
TIL
9/14/2012 11:46 AM EST
A book fair aims to give people in Leicester a chance to learn more about Somalia.
Toronto: Xaflad lagu soo dhaweeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
-
9/14/2012 11:08 AM EST
Xaflad lagu soo dhaweeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Toronto, Canada
Thousands protest anti Islam movie in Somali capital
-
PressTV
9/14/2012 10:32 AM EST
Thousands of Somali protesters have taken to the streets of capital Mogadishu to express their anger over the anti-Islam movie produced by an Israeli-American in the United States.
Ethiopia ruling party to choose Meles successor
-
AFP
9/14/2012 2:07 AM EST
ADDIS ABABA (AFP) — Ethiopia's ruling coalition will hold a two-day governing council meeting from Friday to choose a leader to succeed former prime minister Meles Zenawi, who died last month, it said.
Police recover cache of weapons in Nairobi
-
Daily Nation
9/14/2012 1:58 AM EST
Police in Nairobi on Friday recovered a cache of weapons suspected to have been amassed for a terrorist act. Two suspects were arrested during the police operation in the sprawling Eastleigh suburb.
UN Assembly President condemns attack on Somalia's new president
-
UN
9/14/2012 1:47 AM EST
The President of the United Nations General Assembly, Nassir Abdulaziz Al-Nasser, today condemned in the strongest possible terms yesterday’s attack on the hotel in Mogadishu, Somalia where the country’s new President, Hassan Sheikh Mohamud, was giving a press conference and which resulted in one death and several injuries.
Somali Coastal Dwellers Visit Clinic Provided by HNLMS Rotterdam
-
Defpro
9/14/2012 1:36 AM EST
The Landing Platform Dock HNLMS Rotterdam organised a medical clinic at sea for the inhabitants of 2 Somali villages on the north-eastern coast. Village elders expressed this wish last week during a meeting on the collective fight against piracy.
Somali presidential inauguration scheduled for Sunday
-
Sabahi
9/14/2012 1:34 AM EST
Somalia's new president Hassan Sheikh Mohamud will be officially inaugurated on Sunday (September 16th), Speaker of Parliament Mohamed Osman Jawari announced on Wednesday.