Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

Girma oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxweyne si xor lagu soo doortay uu hoggaamiyo Soomaaliya uuna haddana Soomaalida ugu hambalyeynayo doorashadaas, isagoo sheegay in doorashadan ay soo celin doonto rajadii shacabka Sooamalida.

"Anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo dowladda Itoobiya waxaan u hambaleynayaa madaxweynaha ay baarlamaanka Soomaaliya doorteen, Xasan Sheekh Maxamuud," ayuu yiri Girma oo sheegay in Itoobiya ay kala shaqeyn doonto dowladda Somalia sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay, isagoo kaga adkaaday wareeggii ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu natiijada soo baxday ku qanacsan yahay.

Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Disaleng ayaa isaguna sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh mid u dhacday si xorriyad ah.

Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay saaxiibbo dhow la ahayd madaxda dowladihii soo maray Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn inta uu le'ekaan doono xiriirka dhexmara iyaga iyo dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab oo weli ka taliya dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.