Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

Bayaankan oo uu ku saxiixnaa afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa lagu sheegay in doorashadan ay sii kordhinayso dhibaatadii ay shacabka Soomaaliyeed ku hayeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalal Soomaaliya dan ka leh.

"Al-shabaab uma aragto doorashadan mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Waayo waxaa ka dhex muuqda danaha reer galbeedka ay ka leeyihiin gobolka. Booskii laga wareejiyay Shariif waxaa lagu bedelay hoggaamiye kale oo aan waxba dhaamin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay Al-shabaab soo saartay.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha cusub ay tahay mid lagu sii carqaladeynayo Soomaaliya. "Sidee doorasho xog ah oo xaq ah ay uga dhici kartaa dal la haysto dhul ahaan, bad iyo cirba, dhaqaalena uusan ka jirin?" ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab kasoo baxay.
 
Bayaanka Al-shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee doortay madaxweynaha cusub ay saddex meelood laba meel yihiin kuwo haysta baasaboorro ajnabi oo aan matali karin shacabka Soomaaliyeed, ayna meteli karaan oo keliya dalalka ay baasboorrada ka haystaan.

"Waan la dagaalami doonnaa gaala-raacyada ah horayna waan ula dagaalami jirnay. mana ogolaanayno in shisheeyaha ay gurtaan khayraadka Soomaaliya iyo weliba dhaqaalaheeda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AMISOM.

Ugu dambeyn, Al-shabaab waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inaysan dadka Soomaaliyeed taageerin xukuumadda cusub, balse taas badalkeeda ay taageeraan jihaadka inta laga hirgelinayo Soomaaliya oo dhan ku dhaqanka sharciga Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.