Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena way ku dhinteen laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

Xilligii ay qaraxyadu dhacayeen ayaa waxaa hoteelka ka socday shir ay lahaayeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri, wafdi ka socday Midowga Afrika iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.

"Qaraxyadu waxay ahaayeen laba qarax oo waaweyn, waxaana fuliyay laba qof oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray kuna labisnaa dharka ciidamada dowladda, waxaana goobta ku dhintay shan askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada AMISOM iyo saddex sakari oo Soomaali ah," ayuu yiri goobjooge hoteelka ku sugnaa oo la hadlay HOL.

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xiray hoteelka iyo agagaarkiisa, waxaana ay qaraxyadu dhaceen iyadoo uu hadlayay madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray isaga iyo wafdigii hoteelka ku sugnaa.

Rasaas badan oo ay ciidamada dowladda fureen qaraxyada kaddib ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo mid ka mid ah la sheegay inuu ka mid ahaa raggii weerarka fuliyay iyo qof kale oo rayid ah, sidoo kale

Dhaawacyada ayaa waxaa ku jiray saddex askarta AMSIOM ka tisan iyo ciidammo kale oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad shacab oo qaarkood ku jiray gudaha hoteelka, halka kuwo kalena ay ku sugnaayeen dibadda hoteelka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarradan iyadoo sheegtay inay la heleen halkii ay bartilmaameedsanayeen, balse ma aysan sheegin khasaare ay ku geysteen, waxaana bayaan ay soo saareen ku sheegeen inaysan aqoonsanayn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la doortay laba maalmood kaddib, isagoo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo weli ku sugan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.