Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Kooxdii ugu horaysay Somaliland ee dalbatay inay Qareenimo ku shaqeeyaan oo laga qaaday Imtixaan Tijaabo ah
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenada Somaliland oo ah guddi madaxbanaan oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala socda, maxkamada sare, ururka qareenadda Somaliland, wasaarada cadaalada, golaha guurtida iyo golaha wakiillada ayaa koox ka mid ah Qareenada ka hawl-gala Maxkamadaha Somaliland ka qaaday imtixaan lagu kala reebayo, kuwaasoo la doonayo in qofkii imtixaankaasi ka gudba la siin doono aqoonsiga Qareenimo.

“Markii ay guddidu eegtey kow iyo kotonkaa soo codsaday dukumiintiyadoodii, haday noqoto shahaado, haday noqoto CV-ga, haday noqoto warqada denbi la’aanta, haday noqoto caafimaadka oo aan aad u adkeynayo sababta oo ah maskax ahaan  waa inuu fayow-yahay, markaa ururka dhakhaatiirta ayaa noo soo cadeeya inuu maskax ahaan caadi yahay, wixii dukumiintigoodu dhameystirnaa waxay noqdeen 9-qof, kuwa kale wax ayaa ka dhinaa hadday warqadani ka dhiman tahay fursad uma siinayno illaa inta uu ka soo buuxinayo” ayuu yiri guddoomiyaha guddigan Maxamuud Xuseen Faarax.

Guddoomiyaha Guddigu waxaa uu tilmaamay in guddi ahaan ay ku shaqeeyaan tabaruc, islamarkaana, aanay wax mushahar ah ka qaadan Dawladda. “Todobada Xubnood ee Guddiga ahi, waxay u xilsaaran-yihiin sida uu xeerku sheegayo inay Ruqsadda bixiyaan, Imtixaanana ay qaadaan, waxaa kale oo ay u xilsaaranyihiin inay anshax mariyaan Qareenada”ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax gudoomiyaha guddida imtixaanka qaadaysay.

Mar uu ka hadlayay fursaddaha shaqo ee ardayda Jaamacadaha ka soo baxda, guddoomiyuhu waxaa uu yidhi, “Annigu Jaamacada Hargeysa ahaan waan la soconaa, Ardayda sharciga baratay waxay ka mid-yihiin kuwa ugu fursadaha badan, mid iskii u shaqaysta oo tusaale ahaan Garyaqaan Xassan Faarax Maxamed oo Imtixaankana ugu sareeyay, waxaa uu ka baxay Jaamacada Hargeysa waxa uu ka mid-yahay qoladda aas-aastay ururka Watershed Legal Services, aadbaanan ugu farxay uguna hanbalyaynayaa Garyaqaan Xassan” Ayuu yidhi.

Guddidan imtixaanka qaadaysay oo ah guddi madax banaan ayaa kala ah: Xildhibaan Cabdiraxmaan Ismaaciil Caalin oo isaguna ka socday Golaha Wakiillada Somaliland, Jaamac Cilmi Xaashi  Guddoomiyaha ururka qareenada, Jirde Siciid Maxamed oo ah xubin ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Yaasin Xasan Ismaaciil oo ah xubin ka socota Garsoorka Maxkamada Sarre, Cabdi Cabdilaahi xoghayaha,  iyo Koos Maxamed Yuusuf oo ka socota Wasaarada Cadaalada Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Galaydh oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay guddida ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenada isaga oo ku ammaanay inay hawl-weyn qabteen oo ay u qabteen Qarankooda iyo umaddooda.

 “Sharcigu waa waxa kaliya ay umaddu ku kala haganto oo ay umaddu ku kala socoto, haddii uu sharcigu xumaado xukunkuna wuu xumaanayaa ilaa maamulkuna wuu xumaanayaa dawladnimaduna way xumaanaysa sharcigu waa wax ka weyn wax-kasta,waxaan sharci u baahnayna ma jiro”ayuu yidhi agaasimuhu waxa uu intaas ku daray . “Maxkamadaha dalka waxa jira looyaro ku shaqeysan jirey mihnadan oo kii aqoonta lahaa iyo kii aan aqoonta lahayn, iyo kuwii shahaadada sitey iyo kii aan sidanin shahaadada-ba waxooduba ay is-barbar yaacayeen, tani waxay kala hufeysaa dadkii xaqa u lahaa inay mihnadan ku shaqeeyaan oo ay u shaqeeyaan dadka iyo dalka, qof aan dariiqa marina maxkamada ma hortagayo marka danbe looyarna ma noqonayo, dhamaan gobolada dalka oo dhana waa laga hirgelinayaa”. Ayuu yidhi agaasimuhu

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.