4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Kooxdii ugu horaysay Somaliland ee dalbatay inay Qareenimo ku shaqeeyaan oo laga qaaday Imtixaan Tijaabo ah
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenada Somaliland oo ah guddi madaxbanaan oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala socda, maxkamada sare, ururka qareenadda Somaliland, wasaarada cadaalada, golaha guurtida iyo golaha wakiillada ayaa koox ka mid ah Qareenada ka hawl-gala Maxkamadaha Somaliland ka qaaday imtixaan lagu kala reebayo, kuwaasoo la doonayo in qofkii imtixaankaasi ka gudba la siin doono aqoonsiga Qareenimo.

“Markii ay guddidu eegtey kow iyo kotonkaa soo codsaday dukumiintiyadoodii, haday noqoto shahaado, haday noqoto CV-ga, haday noqoto warqada denbi la’aanta, haday noqoto caafimaadka oo aan aad u adkeynayo sababta oo ah maskax ahaan  waa inuu fayow-yahay, markaa ururka dhakhaatiirta ayaa noo soo cadeeya inuu maskax ahaan caadi yahay, wixii dukumiintigoodu dhameystirnaa waxay noqdeen 9-qof, kuwa kale wax ayaa ka dhinaa hadday warqadani ka dhiman tahay fursad uma siinayno illaa inta uu ka soo buuxinayo” ayuu yiri guddoomiyaha guddigan Maxamuud Xuseen Faarax.

Guddoomiyaha Guddigu waxaa uu tilmaamay in guddi ahaan ay ku shaqeeyaan tabaruc, islamarkaana, aanay wax mushahar ah ka qaadan Dawladda. “Todobada Xubnood ee Guddiga ahi, waxay u xilsaaran-yihiin sida uu xeerku sheegayo inay Ruqsadda bixiyaan, Imtixaanana ay qaadaan, waxaa kale oo ay u xilsaaranyihiin inay anshax mariyaan Qareenada”ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax gudoomiyaha guddida imtixaanka qaadaysay.

Mar uu ka hadlayay fursaddaha shaqo ee ardayda Jaamacadaha ka soo baxda, guddoomiyuhu waxaa uu yidhi, “Annigu Jaamacada Hargeysa ahaan waan la soconaa, Ardayda sharciga baratay waxay ka mid-yihiin kuwa ugu fursadaha badan, mid iskii u shaqaysta oo tusaale ahaan Garyaqaan Xassan Faarax Maxamed oo Imtixaankana ugu sareeyay, waxaa uu ka baxay Jaamacada Hargeysa waxa uu ka mid-yahay qoladda aas-aastay ururka Watershed Legal Services, aadbaanan ugu farxay uguna hanbalyaynayaa Garyaqaan Xassan” Ayuu yidhi.

Guddidan imtixaanka qaadaysay oo ah guddi madax banaan ayaa kala ah: Xildhibaan Cabdiraxmaan Ismaaciil Caalin oo isaguna ka socday Golaha Wakiillada Somaliland, Jaamac Cilmi Xaashi  Guddoomiyaha ururka qareenada, Jirde Siciid Maxamed oo ah xubin ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Yaasin Xasan Ismaaciil oo ah xubin ka socota Garsoorka Maxkamada Sarre, Cabdi Cabdilaahi xoghayaha,  iyo Koos Maxamed Yuusuf oo ka socota Wasaarada Cadaalada Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Galaydh oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay guddida ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenada isaga oo ku ammaanay inay hawl-weyn qabteen oo ay u qabteen Qarankooda iyo umaddooda.

 “Sharcigu waa waxa kaliya ay umaddu ku kala haganto oo ay umaddu ku kala socoto, haddii uu sharcigu xumaado xukunkuna wuu xumaanayaa ilaa maamulkuna wuu xumaanayaa dawladnimaduna way xumaanaysa sharcigu waa wax ka weyn wax-kasta,waxaan sharci u baahnayna ma jiro”ayuu yidhi agaasimuhu waxa uu intaas ku daray . “Maxkamadaha dalka waxa jira looyaro ku shaqeysan jirey mihnadan oo kii aqoonta lahaa iyo kii aan aqoonta lahayn, iyo kuwii shahaadada sitey iyo kii aan sidanin shahaadada-ba waxooduba ay is-barbar yaacayeen, tani waxay kala hufeysaa dadkii xaqa u lahaa inay mihnadan ku shaqeeyaan oo ay u shaqeeyaan dadka iyo dalka, qof aan dariiqa marina maxkamada ma hortagayo marka danbe looyarna ma noqonayo, dhamaan gobolada dalka oo dhana waa laga hirgelinayaa”. Ayuu yidhi agaasimuhu

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland