Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Dagaal culus oo Duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Dowaldda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo markii hore u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada dowladda Itoobiya, waxaana dagaalku uu socday in ka badan laba saacadood oo xiriir ah.

"Waxaan ku dilnay dagaalka laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hubkoodiina waan ka qaadannay. Dagaalku wuxuu ahaa howgal ay ciidamadu sameynayeen," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdifataax Geesey oo intaas ku daray inay kala eryeen xoogaggii Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Itoobiya, balse dhinac walba ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Goof-guduud oo 20-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay arkeen maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan. Iyadoo deegaanka lagu dagaalamay ay ku sugan yihiiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa ku toogtay bartamaha degmada Baydhabo nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamada dowladduna ay dilkaas u qabteen shan qof.

Magaalada Baydhabo oo 240-km kaga beegan Muqdisho dhinaca waqooyi-galbeed ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa qabsaday ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna noqotay degmadii ugu horreysay ee uu booqday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.