4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay dalka Uganda


Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ka dhoofaya garoonka Caalimiga ee Adan Cadde


Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkiisan uu yahay mid kooban oo uu uga qayb-galayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo xorriyadda dalka Uganda.

"Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horreeyay ee aan dibadda u aado, waxaana ka qayb-galayaan sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xorriyada Uganda oo uu igu casuumay madaxweyaha Uganda," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya intii uusan dhoofin,  .

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inta uu ku sugan yahay Uganda inuu kula kulmi doono madax madax ka socota dalalka Afrika iyo kuwa caalamka, isagoo ka xusay madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki, madaxweynaha Masar, Mursi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Talyaaniga.

"Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo shaqooyin badan oo tallooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda; inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha.

Munaasabadda lagu xusayo markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaatay dalka Britain oo berri ku beegan ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka socota afartan waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, wuxuuna safarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo Xasan Sheekh uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay 10-kii bishii September ee lasoo dhaafay.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugay kumannaan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku gacan-siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyadoo ciidamadaas qaarkood ay ilaalo ka hayaan xarunta madaxtooyada iyo iyagoo ilaalo gaar ah u ah madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya