Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Deegaannada ay gacanta ku hayso ka mamnuucay Hay'adda gargaarka ee Islamic Relief
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee OSAFA ayaa lagu sheegay in Islamic Relief aysan ka howgeli karin deegaannadooda, iyadoo lagu eedeeyay inay ku xad-gudubtay xeerarkii loo dajiyay inay hay'adaha ajnabiga ah ku shaqeeyaan.

“OSAFA waxay caddeynaysaa in hay'adda Islamic Relief ay kala laabteen ruqsaddii ay kaga shaqeynaysay deegaannada ay mujaahidiintu ka taliyaan. kaddib markii ay ku xad-gudubtay dhammaan xeerarkii loo dajiyay... ayna ku kacday waxyaabo ka baxsan shaqadeeda,” ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay bogga Twitter-ka ay ku leedahay Al-shabaab.

Sidoo kale, hay'adda Islamic Relief ayaa lagu eedeeyay inay fulisay mashaariic ay hay'ado horay loo mamnuucay ka sameyeen deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, sida hay'adda WFP oo dhinaca cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“Hay’adda Islamic Relief waxay si toos ah ula shaqeynaysay hay'ado horay looga mamnuucay deegaannada mujaahidiintu ka taliyaan sida: WFP, arrintaasoo dhowr jeer looga digay balse ay iska dhego-tirtay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska OSAFA.

Ugu dambeyn, xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ayaa waxaa loogu digay ha'yadaha kale ee ku harsan deegaannada ay Al-shabaab ka taliso, iyadoo loogu baaqay inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in ruqsadda shaqo ee la siiyay looga qaado.

Al-shabaab oo bilihii ugu dambeeyay luminaysay dhul ballaaran oo ay ka talinaysay sida degmada Kismaayo ayaa waxay horay uga manuuceen deegaannada ay ka taliyaan in ka badan labaatan hay'adood oo isugu jiray kuwo madax-bannan iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.