Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Maamulka Jaamacadda Kismaayo oo ka cabanaya Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Saldhig ka sameystay Xarunta Jaamacadda
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Kismaayo C/qaadir Sheekh Max’ed ayaa sheegay in dhibaatooyin ba’an ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu xusay in ay saldhig ciidan ka sameysteen xaruntii Jaamacadda, taasoo uu sheegay in sababtay in uu hakad ku yimaado hanaankii waxbarasho ee Jaamacadda.

Hoos ka aqriso bayaan kasoo baxay maamulka Jaamacadda Kismaayo oo ay kaga cabanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.