3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Somalia oo sheegay inay isku xirayaan Baladweyne, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo

Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Dhego-badan ayaa sheeagy in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baydhabo, kaddib markii ay la wareegeen degmada Wanla-weyn oo u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

"Qorshaheennu waa inaan isku furno magaalada Muqdisho, Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo; howgalkaasuna wuu socdaa, dhawaanna waa la arki doonaan iyadoo degmooyinkaas la isku gudbayo iyadoo dhulka la isticmaalayo," ayuu abaanduuluhu ku sheegay isagoo saxafadda kula hadlayay Muqdisho.

Sidoo kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay inay tahay muhiim qabsahada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, isagoo xusay inay marto waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo isaguna warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in qabashadii degmada Wanlaweyn sahlayso in la isku furo Baydhabo iyo Muqdisho, iyadoo la ogyahay in degmada Baydhabo ay ku sugan yihiin boqolaal askarta AMISOM ka tirsan.

"Qorshuhu waa in la isku furo Muqdisho iyo Baydhabo si ay wadadaas dheer u maraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee doonaya inay Baydhabo tagaan ama ay ka yimaadaan," ayuu yiri Col. Xumud.

Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii gacanta ku haysay Al-shabaab afartii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena waa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadaan Al-shabaab dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 11:08 AM EST
Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.