Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2012
Xaflad lagu taageeryo dowladda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo lagu qabtay magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington. Xaflaad oo aad loo agaasimey ayaa waxaa qabanqaabadeeda lahaay Gudoomiyaha Somali Community ee Seattle Sahra Bashiir taasoo ah gabar mar walba u heelan wax u qabadka Soomalida reer Seattle dhinacwalba sidoo kalena abaabul weyn u gasha sidii howlaha quseeyo Soomalida guud ahaan dalka iyo Dibada eey kor ugu qaadi laheyd.

Xafladaan oo si wadajir ah loogu soo dhoweynayey Gudoomiyaha Cusub ee loo doortey Baarlamaanka Soomaliya Mudane Mohammed Sh. Cusmaan Jawaari, Madaxweynaha Cusub ee Dalka Soomaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud, iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dalka Soomaliya Mudane Abdi Faarah Shiirdoon oo ku magacdheer Saacid ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Aqoonyahano, cuqaal, iyo martisharaf badan oo dagan magaaladan Seattle.

Xafladaan ayaa waxaa howsha maamulka iyo  xiriirinta wadey Mudane Mohammed Xaaji Beeso iyo Wariyaha Somali TV ee Seattle Wariye Mohammed Salaad Mohamud oo ku magacdheer Xabeeb ayaa Cuqaashii ka hadashey waxaa ka mid ahaa Xaaji Shoongale, Nabadoon Xuseen Muuse, Nabadoon Elmi Xuseen Sabriye, Mursal Guuleed, Hussein Muuse, Ali Mooge iyo Ali Daa’uud.

Dr. Muumin Dhimbil oo ah Dhaqtar Soomaliyeed oo asagu madasha ka Hadley ayaa   aad uga dardaarmey in laga fogaado kuwa tafaraaruqa u horseeda mar kasta doowlada, anagana lanooga baahan yahay inaan taageero buuxdo la garab istaagno doowlada Soomaliya.

Abdifatah Abdulaahi, iyo Abdifataah Ali Jeesteeye ayaa ayagu ka Hadley doowlad wanaaga iyo taariiqda hogaamiyeyaasha loo doortey dalka Soomaliya ayadoo Mohammed Shidane, Mohammed Warsame iyo Farhiya eey kusoo bandhigeen majaajilo runtii aad loola dhacey oo dhinacyo badan taabaneeysey.

Gabagabadii ayaa waxaa kulanka soo xirtey Gudoomiyaha Somali Community ee Seattle Sahra Bashiir taasoo shacabka reer Seattle ka codsatey ineey taageero hiil iyo hooba leh la gabar istaagaan doowlada u dhalatey Soomaliya kana shaqeeyaan midnimadooda meel walba eey joogaan.

Hiiraan Online
Seattle, USA





Post your comments

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.