Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Guddiga Doorashooyinka oo sheegay inaanu dhexdooda khilaaf ka jirin, Sidoo kalena aysan jirin Qandaraasyo ay bixiyeen
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf  ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana  dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

 Sidoo kale, guddidu waxay faah-faahin ka bixiyeen hanaanka ay u bilaabmeen ololaha doorashada Goleyaasha Deegaanka, waxaanay sheegeen inay Warbaahinta kala duwan ay u isticmaali-doonaan Wacyigelinta codbixiyayaasha, isla-markaana ay ka dhaadhiciyaan Bulshada habka loo codka loo bixinayo.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay Shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta Komishanka ee Magaaladda Hargeysa, ayaa beeniyey wararka sheegaya inay sifo aan sharciga waafaqsanayn ay Shirkaddo u siiyeen Qandaraaska Doorashada iyo khilaaf la sheegay inuu soo dhexmaray guddidda iyo gudoomiye ku xigeenka guddidaasi oo isku dayey inuu is casilo.

"ololuhu ilaa imika si fiican bay noogu socdaan, waxa kale oo jira ololaha doorashadda ee Xisbiyadu iskood u u ololaynayaan waxa bar-bar soconaya Barnaamij la yidhaahdo wacyi-gelinta codbixiyaha oo uu hogaaminayo Komishanku, waxaanu u adeegsanaynaa siyaabo faro-badan oo ay ka mid yihiin Saxaafaddan oo door-weyn ka qaadanaysa, waxaanu ku faraxsanahay Radio Hargeysa oo maanta wada gaadhaya dunida oo dhan, hab cusub baynu qaadanaya oo kii hore ka duwan xiligii hore xisbi-baa loo codayn jiray, xisbiguna calaamad-buu lahaan jiray manay badnayn, laakiin imika waa numbaro musharax waliba waxa uu leeyahay numbar"ayuu yidhi afhayeenka guddida Doorashooyinka Mr:Geelle oo ka hadlayey nidaamka wacyigelintu noqonayso, waxaanu intaas ku daray “Hargeysa oo kale oo Golaha deegaanku waxa uu ka kooban-yahay 25 Xubnood waxa ka tartamaya 7 Urur oo min 25 ah, waa 175 Xubnood, 175 Calaamadood Warqada wey ku balaadhatay, dabadeedna waxaanu soo saarnay nidaamka ah Nambar oo ay dadku ku codeeyaan".

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka waxa uu ka jawaabay shirkado sheegay in la musuqmasuqay qandaraasyo daabacada ah oo shirkado gaar ah la siiyey, waxaanu yidhi  “Waxa jira in shirkaduhu aanu qandaraaska siinaynay aanu ku xidhnay shuruuddo ay ku soo kala baxaan, haddii ay noqoto dhinaca sharciga, agabka aanu uga baahanahay iyo kharashka ku baxaya qandaraaskaasi, markaa shirkadaha cabanaya qaarkood dhinaca sharciga ayaanay soo buuxin oo markii horeba waxa na wareeriyey anaga oo aan ka fadhiisan dad cabanaya oo leh cidbaad siiseen qandaraaskii ee ka daaya, hadda waa iyada oo aanan ka fadhiisan”.

Mar kale waxa uu afhayeenku ka jawaabay warar sheegaya in khilaaf dhexdooda ka jiro, taas oo keentay inuu is casili gaadhay gudoomiye ku xigeenka gudida doorashooyinka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi  “Maya wax is-casilaad ah noomuu keenin Guddoomiye ku xigeenkayagu, maantana muu soo shaqo taggin oo wuxuu ku maqan yahay arimo shaqsi ah oo khaas u ah. Toddoba xubnood ayaanu nahay, imika waxaanu ku joognaa shan xubnood, Guddoomiye ku xigeenkuna arimo shakhsi ah ayuu ku maqan yahay, laba xubnoodna waxay soo daabacayaan waraaqihii cod-bixinta, wayna imanayaan, wax kooxo ah oo komishanku u kala jabayna ma jiraan”ayuu yidhi.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.