Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Kenya oo ugu baaqday Xukuumadda Eritrea inay taageerto Nabadda Geeska Afrika ka hor inta aysan dib ugu biirin IGAD

Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

Safiirka u fadhiya dowladda Eriteria dalka Kenya ayaa u gudbiyay madaxweeynaha Kenya fariin ka timid madaxweeynaha dalkiisa Isaias Afewerki taasoo uu dowladda Kenya uga dalbanayay taageero in ay ku siiso dadaalka ay ugu jiraan dib ugu biiridda ururka IGAD.

Madaxweeynaha Kenya ayaa taageradiisa ku xiray in marka hore ay dowladda Ereteria ay taageerto hannaanka nabadda geeska Afrika, maadaama dowladda Ereteria marar badan lagu eedeeyay in ay taageero siiso ururro Islaami ah oo ka dhisan geeska Afrika.

Madaxweeynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka dowladda Ereteria ee ay ku dooneyso in ay markale ku biirto urur Goboleedka IGAD, haseyeeshee wuxuu arintaasi ku xiray in dowladda Ereteria ay marka hore taageerto howlaha nabadeed ee gobolka.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo urur Goboleedka IGAD ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Ereteria in ay taageero siiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya, wallow dowladda Ereteria ay inkirtay eedeeymahaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com

Kismayo, Soomaaliya




Post your comments

10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.