Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Oct 3 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Xarunta Golaha Shacabka kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannadii hore
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho in ka badan laba boqol oo xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday.
Prof. Jawaari iyo xubnaha uu la kulmay ayaa waxay kawada hadleen sidii ay wada-shaqeyn u dhexmari lahayd xildhibaannada cusub ee baarlamaanka iyo kuwii hore maadaama ay muddo dheer soo shaqeynayeen ayna yihiin kuwo waayo-arag ah, iyadoo sidoo kalena kulanka la iskula soo qaaday xildhibaannadii la dilay iyagoo ka mid ah baarlamaanka.
"Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu kulan la qaatay maanta 255 xildhibaanadii hore ka mid ah, waxyaabihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii looga faa'iideysan lahaa khibradihii ay heleen, maadaama ay horay u qaateen tababarro la xiriira habka uu ku shaqeynayo baarlamaanka," ayuu yiri C/llaahi Axemd Garruun oo mudanayaashii hore ka mid ahaa.
Sidoo kale, mudane Garruun wuxuu sheegay in la isla gartay in xildhibaannadii hore ay caawiyaan xildhibaannada cusub, ayna ka caawiyaan sidii ay howlahooda u gudan lahaayeen, isagoo xusay in kulanku uu ahaa mid ku dhammaaday is-afgarad.
"Waxaan isla garanay in xildhibaannadii hore ee aan ka mid noqon baarlamanaka ay helaan xuquuqahooda lana ilaaliyo xasaanaddooda," ayuu yiri Maxamed Cumar Geeddi oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee baarlaamanka kana qayb-galay kulanka.
Ugu dambeyn, waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha baalamaanka oo sheegay inay kawada hadleen isaga iyo xildhibaannadii hore sidii umadda Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa; maadaama xildhibaanadii hore ay muddo howlaha baarlamaanka soo wadeen.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka kooban 275 mudane, kuwaasoo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, inkastoo ay kusoo biireen tiro badan oo aan horay uga mid ahayn, waxaana sugaya howlo badan afarta sano ee soo socota.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dowladda Baritain oo shaacisay in Malaayiin Lacagta dalkeeda ah ay ku taageerayso dowladda cusub ee Soomaaliya
10/3/2012 10:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqay inay 38-milyan oo Pound oo lacagta Ingiriiska ah ku caawinayso dowladda cusub ee Somalia si wax looga qabato dhinacyada ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo cadaaladda, kaddib markii wafdi ka socda dowladda Birtain ay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaadihii Webiga Shabeellle ee Magaalada Baladweyne
10/3/2012 10:07 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Oktoobar, 03, 2012 (HOL) -- Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ugu deeqday lacag dhan ilaa $100,000 doolar, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadii ku dhufatay dhawaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Diyaarado dagaal oo Maanta lagu arkay iyadoo dul heehaabaya Deegaanno ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug
10/3/2012 8:11 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa lagu arkay iyagoo dul-heehaabaya maanta deegaanno ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay ku haystaan ajnabi ay ku haystaan afduub.
Xaaladda Magaalada Kismaayo oo saaka deggen, kaddib Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay magaaladaas
10/3/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose aya daggan maanta oo Arbaco kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen shalay gallinkii dambe, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaxweynaha Somalia oo weli ku Mashquulsan wadatashiyo ku aaddan Magacaabida Ra'iisul Wasaaraha iyo Waqtiga oo gabaabsi ah
10/3/2012 3:45 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira wadatashiyo ku saabsan sidii uu kusoo magacaabi lahaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo jagadan ay ku loolamayaan mas'uuliyiin fara badan oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha xilligiisu sii dhammaanayo.
Somali News
African troops comb Kismayu for bombs after Somali rebel retreat
-
Reuters
10/3/2012 1:53 PM EST
MOGADISHU, Oct 3 (Reuters) - African Union and Somali troops combed the Somali port of Kismayu on Wednesday for bombs hidden by al Qaeda-linked militants who fled their last urban bastion but warned of retaliatory strikes, the two militaries said.
Mom testifies about son's Somalia travel
-
MPR
10/3/2012 1:52 PM EST
MINNEAPOLIS — The mother of a Minneapolis college student killed in Somalia while fighting for a terrorist group said her son wouldn't have been able to travel back to his homeland in 2008 without help.
EU NAVFOR a supporting asset in fight against Piracy
-
Muscat Daily
10/3/2012 1:48 PM EST
The European Union Naval Force (EU NAVFOR) maritime security mission to the region is part of a comprehensive approach by the international community to rein in the threat from Somali pirates, according to Rear Admiral Enrico Credendino, force commander, EU NAVFOR.
Somali business community to help police fight Al Shabaab
-
Standard
10/3/2012 1:45 PM EST
The Somali Business Community in Nairobi has asked security agents to use all means at their disposal to flush out Al-Shabaab militants hiding in Kenya.
Search on for attackers of police post in North Kenya
-
Xinhua
10/3/2012 1:41 PM EST
GARISSA (Xinhua) -- Kenyan police have launched a major crackdown in Garissa town near the border with Somalia in search of gunmen who hurled a hand grenade and sprayed bullets at a local police station on Monday night.
Somalia incursion cuts flow of illicit money into Kenya
-
Business Daily Africa
10/3/2012 1:37 PM EST
The amount of foreign money circulating in Kenya from unexplained sources fell drastically in the three months to June, reflecting the extent to which the military operation in Somalia has disrupted the networks that were suspected to be responsible for the flow.
Somali militants hit Kismayu as African troops move in
-
Reuters
10/3/2012 1:45 AM EST
MOGADISHU, Oct 2 (Reuters) - African Union troops and tanks occupied al Shabaab's former stronghold of Kismayu on Tuesday, but the Somali Islamist militants gave notice of their intention to fight back, saying they detonated a bomb in the port city.
Terror trial: Omar as dupe or militant?
-
Star Tribune
10/3/2012 1:44 AM EST
Three immigrants to testify as lawyers paint conflicting pictures. Government says Minnesotan supplied Somali terrorists. Defenders say he couldn't.
Somalia favours firms with pre-1991 deals for oil exploration
-
Reuters
10/3/2012 1:39 AM EST
LONDON Oct 2 (Reuters) - Somalia, hoping to share in East Africa's oil and gas boom, has invited back international oil companies that held exploration licences before civil war broke out two decades ago, an adviser to the government said.
Under pressure, Lewiston mayor clarifies Somali comments
-
Portland Press Herald
10/3/2012 1:35 AM EST
LEWISTON - With critics calling for his resignation, Lewiston Mayor Robert MacDonald spoke Tuesday to clarify comments that some felt disparaged immigrants, but he stopped short of apologizing.
St. Paul police to swear in first Somali-born recruit
-
Pioneer Press
10/3/2012 1:30 AM EST
He worried about her reaction because where Sahal and his family are from, Somalia and Kenya, police officers are often feared. As Sahal becomes the St. Paul police department's first Somali officer, he hopes to bridge the gap between his community and police.
Half the Sky: Edna Adan’s Crusade for Women’s Health
-
ABC News
10/3/2012 1:24 AM EST
Edna Adan has spent much of her life being first. The daughter of a prominent medical doctor in Somaliland, she was the first girl in her country to learn to read, the first Somali woman to drive, the first certified nurse-midwife, and the first lady of Somalia — her husband was Prime Minister Ibrahim Egal.
Mysterious fire guts down police station in N. Kenya
-
Xinhua
10/3/2012 1:18 AM EST
Fire whose cause has not yet been established gutted down the Garissa police station near the border with Somalia on Tuesday evening.
Scholarships help Somali girls cross barriers to education
-
UNICEF
10/3/2012 1:17 AM EST
HARGEISA, Somalia, 2 October 2012 - For 14-year-old Filsan Faisal Ismail, who lives in Hargeisa district, Somaliland, a school degree would be a bridge to a brighter future.
Dadaab: Leaders Must Not Fail Refugees in the World's Largest Camp
-
MSF
10/3/2012 1:12 AM EST
GENEVA, OCTOBER 1, 2012—As government leaders gather this week in Geneva for the annual meeting of the executive committee of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), the plight of nearly half a million Somalis living in extreme conditions and under fear in camps in Kenya must be on the agenda, the international medical humanitarian organization Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF) said today.