Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo gubey lacago badan oo been abuur ah

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

Lacagtan oo isla maanta lagu gubey banaanka hore ee xafiiska maamulka gobolka Mudug ayaa qayb kamid ah waxaa qabtay laanta bankiga Puntland ee Gaalkacayo, waxayna tiradeedu ahayd 9,500,000 Sh.so ( sagaal milyan iyo shan boqol oo kun).

Halka lacagta Dollarka ah oo iyadu aad u tira badneyd, wadarteeduna ahayd $135,000 (Boqol iyo sodon iyo shan kun ) ay ciidamada Boolisku gacanta kusoo dhigeen, kahor intii aan suuqa lagu fasixin.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Puntland, Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo war-fidiyeenada goobtii lacagtan lagu soo bandhigay kula hadlay, ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, si aan lacagaha noocan ah loogu khaldin.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in dowladdu ay dadaal dheeri ah ugu jirto sidii ay uga hortegi lahayd in suuqyada Puntland lacagaha noocan oo kale ah lasoo geliyo, maadaama ay dhaqaalaha saameyn weyn ku yeelan karaan.

Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland, Gaashaanle sare Muxiyadiin Axmed Muuse oo isna goobta ka hadlay ayaa mahad balaaran usoo jeediyey ciidamadii ku guuleystey in ay lacagtan soo qabtaan, isagoo tilmaamay in ay mudan yihiin in si fiican loo abaal mariyo.

Ma ahan markii ugu horeysey oo magaalada Gaalkacayo lagu arko lacag been abuur ah oo intan tiro le'eg, waxaase jirey marar badan oo ay suuqyada soo gashay inkasta oo ganacsatada iyo dowladda oo iskaashanayaa ku guuleysteen in ay ka saaraan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya





Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.