Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
PROF. JAWAARI: "Howlaha ugu badan ee baarlamaanku qabanayo afarta sano ee soo socota waa la xisaabtanka Xukuumadda"
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.


Prof. Jawaari wuxuu sheegay in sidoo kale uu baarlamaanku ka tashan doono waxa la gudboon marka uu xilkoodu dhammaado, isagoo sheegay in qorshayaashan oo dhan ay ku xusan yihiin qorshe howleedka baarlamaanka uu dagsaday afarta sano ee uu shaqeynayo.

"Howsha ugu culus ee baarlamaanka waxay noqon doontaa kormeeridda iyo sidii la xisaabtan loogu sameyn lahaa wasaaradaha dowladda," ayuu yiri Prof. Jawaari oo intaas ku daray in wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda lala xisaabtami doono saddexdii biloodba mar.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanku uu yahay mid ku hadlaya afka shacabka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoondaan baarlamaanka, maadaama uu iyaga matalo.

"Wasaarad walba waxaa la weydiin doonaa howlaha u furay, kuwii aan fulin sababta keentay inay fuli waayaan iyo xilliga la fulinayo," ayuu yiri Prof. Jawaari oo intaas ku daray in baarlaamanka ay ka go'an tahay inuu howlihiisa kasoo baxo.

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari wuxuu sheegay in sidoo kale uu baarlmaanku dib u eegis ku sameyn doono dastuurka dalka oo horay loo ansixiyay, isagoo xusay in wax ka bedel lagu sameyn doono dhammaan qodobbada uu muranka ka taagan yahay, laguna caddeyn dono in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in dhawaan lasoo dhiso xukuumad iyo iyadoo xildhibaanadu ay maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayeen qorhshe howleedkooda afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.