Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Weerar gaadmo ah lagu dilay
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iyagu mas'uul ka yihiin dilka sarkaalkaas, uuna qayb ka yahay weerarro dhowr ah oo ay ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda.

"Illaahay ayaa noo suurogeliyay inaan dilno sarkaalka, waxaana ku dilnay weerar ay mujaahidiintu dhigeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Marko," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo intaas ku daray: "Waan dagaalamaymaa inta aan ka adkaanayno gaalada iyo inta raacsan, waxaana la ogaaday in gaalo aysan adkeysan karin wax ka badan 10-sano, waxaana noo qorsheysan inaan mudaddaas la dagaalanno."

Sheekh Abuu-Muscab wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarradan noocan oo kale ah ee ay la beegsanayaan saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ee ay dagaalka kula jiraan, wuxuuna xusay inay xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada caawinaya.

Dhanka kale, wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soom aaliya ayaa iyaduna ka hadashay dilka Jen. Goordan, iyadoo warbixin lasoo saaray lagu sheegay in baaris lagu sameyn doono qaabka uu dilkiisa ku dhacay loona saaray guddi gsaar ah oo baara.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, waxaana dilkiisa uu imaanayaa xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya ay isku dayayaan inay qabsadaan deegaanno hor leh oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.