Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Wariye Toddobaadkii hore lagu dhaawacay Muqdisho oo xalay Isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.


Marxuum Tuuryare ayaa wuxuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka howgeli jiray idaacadda Shabelle oo ka mid ah idaacadaha ka jira Muqdisho, wuxuuna noqonayaa wariyihii saddaxaad oo idaacaddan laga dilo inta lagu jirto sannadkan, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay laba wariye oo kale oo ka tirsan idaacaddan, waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso marxuumka.

"Dhaawaca wariyaha wuxuu ahaa mid hagaagsan, balse Sabtidii ayay xaaladdiisu ka dartay, ugu dambeynna xalay ayuu ku geeriyooday isbitaalka Madiina," ayuu yiri Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabelle oo qaar ka mid ah saxaafadda u warrramayay saakay oo Isniin ah.

Laba nin oo hubeysan ayaa toddobaadkii hore toogasho ku dhaawacay wariyaha iyagoo dhowr xabbadooda kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay in dhaawac ahaan loo dhigo isbitaalka Madiina oo uu xalay ku geeriyooday.

Maxamuud Tuuryare oo ah aabbaha dhalay wariyaha geeriyooday ayaa sheegay in wiilkiisa dhowr jeer oo loo hanjabay, kooxaha u hanjabayna ay u sheegeen inay dili doonaan haddii uu shaqada iska dhaafo iyo haddii kale.

"Wiilkeyga dhowr jeer ayaa loo hanjabay, isaguna wuxuu go'aansaday inuu dhinto isagoo howshiisa saxaafadeed ku jira, taasna way dhacday, waxaana wariyeyaasha kale ee ka howlgala Muqdisho kula talinayaa inaysan cabsi-gelin kuwa dhiigga dadka caadeystay," ayuu yiri Tuuryare.

Suxufigan oo 24-jir ahaa ayaa wuxuu 17 ka dhigayaa tirada suxufiyiinta lagu dilay Soomaaliya sannadkan oo keliya, iyadoo tani ay sii kordhanayso cabsida ay qabaan suxufiyiinta ka howgalaya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid loo qabtay dilka wariyeyaashan la dilay, iyadoo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool wariye u shaqeynayay Telefishinka Universal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.