Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka digay in la yareeyo tirada Golaha Wasiirrada xukuumadda ee lasoo dhisayo
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.

Xaad wuxuu sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay inay si aad ah u eegaan tirada wasiirrada, isagoo dalbaday in lagu daro tiro intaas oo kale ah si loo qanciyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

"Waxaan maqalnay in tirada wasiirrada laga dhigayo sagaal xubnood, kumana filna Soomaali, waxaan codsan lahaa in tiradaas la kordhiyo," ayuu yiri Maxamed Xaad oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho.

Nabaddoonku wuxuu hadalkiisa ku daray in madaxda dowladdu ay ka faa'iideystaan fursadda qaaliga ah ee ay maanta haystaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay sameeyaan xukuumad dalka wax ka qaban karta oo aan tiro badnayn, balse ka badan inta hadda la qorsheynayo.

"Madaxda dowaldda waxay haystaan fursad qaali ah waana inay shacabka ku hor-keenaa wax ay ku qanci karaan," ayuu yiri nabddoonka oo sheegay inuu Alle uga baryayo in mas'uuliyiinta dowladda uu la garab-galo xilka culus ee saaran.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in maalmaha soo socda uu ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada, kuwaasoo uu horay u sheegay inay noqon doonaan kuwo tayo ahaan wanaagsan tiro ahaanna yar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.