Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Xisbiga UCID oo doortay Musharraxiinta doorashada soo socota uga qeybgeli doonta (SAWIRRO)


Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

 

Shirweynahan xisbiga oo maanta ka qabsoomay hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay Hogaanka sare ee xisbiga, golaha dhexe, golaha fulinta iyo ergooyin faro badan oo ka kala yimid gobolada iyo dibaddaba, kuwaas oo u yimid inay ka qaybgalaan shirweynahan.

 

Shirweynahan waxa lagu doortay musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi u matali doona doorashooyinka soo socda ee madaxtinimo Jamaal Cali Xuseen, halka musharax madaxweyne ku xigeena loo doortay Cabdirashiid Xasan Mataan, Guddoomiye kuxigeenna Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Guddoomiye kuxigeenka 4aadna waxa loo doortey Muxumed Maxamed,Xoghayaha Xisbiga Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse), Waxa kale oo Shirkaasi Golaha dhexe lagu ansixiyey 251-ka xubnood ee guddida Golaha dhexe ka kooban tahay.

 

Shirweynaha waxa laga soo jeediyey khudbado kala duwan, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID eedo usoo jeediyey xukuumada oo uu tilmaamay inay sharciyo badan jabisay, kuna tagri fashay awoodeeda dawladnimo.

 


“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku kacay inuu dastuurkii burburiyo oo arin dhammaatay oo ahayd inaan ururo la furin inuu khasab ku furay oo uu jabiyey dastuurkii, Wuxuu keenay inuu xeerkii doorashooyinka bedelo uu sameeyo xeer la yidhaahdo xeerka shirqoolka 14-aad oo la isku tollay, wuxuu keenay inay meesha ka baxdo shaqadii Guurtida iyo Wakiiladu oo wixiiba isku noqdaan xisbiga Kaliya oo mucaaradkii meesha ka baxo””ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maalin ka hor wakhtigi ololuhu bilaabi doonaan hadalo dhaliilo u badan u jeediyey xukuumadda.

 

Waxa isagu halkaasi ka hadlay musharax madaxweynenimo xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay inuu aqballay jagadaasi loo doortay, isagoo uga mahadceliyey ergooyinka u doortay musharaxa madaxweynenimo ee uu u  ordi doono xisbigaasi.

 

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan aqbalay Musharaxnimada Madaxwaynaha xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID marka ILAAHAY ina gaadhsiiyo”ayuu yidhi musharaxa madaxweynnimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey shirweynaha xisbiga.

 

Sidoo kale, waxa iyana halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan, kuwaas ka waramay sidii ay doorashada ugu guulaysan lahaayeen iyo ololaha ay gali doonaan.




 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

argeysa, Somaliland

 





Post your comments

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.