Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Doomo Ganacsi oo Doonayay in ay Daabulaan Dhuxul oo Dib uga Laabtay Dekedda Kismaayo


Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa  laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

Kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay yeelanayeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni islamarkaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa looga hadlayay sidii laga yeeli lahaa dhuxusha faraha badan ee buuxdhaafisay kaamamka dhusuha ee magaalada Kismaayo, waxaana sida aan wararka ku heleyno ay masuuliyiinta qaar codsanayeen in la dhoofiyo dhuxusha haatan dekedda ku diyaarsan.

Ganacsade kamid ah gacanasatada reer Kismaayo ee wax kala soo daga dekedda islamarkaasina codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in maamulka KMG ee dekedda Kismaayo uu ku wargeliyay in aysan jiri doonin wax dhuxul ah oo laga dhoofin doono dekedda Kismaayo.

Ilaa laba doon oo kamid ah doomaha ganacsi ee laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka Carabta islamarkaasina doonayay in ay qaadaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii ay maalmo ku xirnaayeen Dekedda Kismaayo.

Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa imika ku xiran laba markab iyo shan doomood, kuwaasoo sida shixnado ganacsi oo ay kamidyihiin Sokor, Bariis iyo weliba alaabo kale oo bagaash ah, waxaana sida caadiga ah marka ay doomaha iyo Maraakiibta faaruqaan lagu rari jiray Dhuxul taasoo loo iibgeyn jiray qaar kamid ah wadamada Carabta.

Marka aad ku safarto degmooyinka gobollada Jubooyinka ayaa waxa aad dareemeysaa saameynta ay dhulka ku yeelatay dhoofinta dhuxusha, iyadoona ay indhahaagu qabanayaan geedo la jarjaray oo daadsan hareeraha wadooyinka, kuwaasoo loo diyaariyay in laga sameeyo dhuxul, waxaana sidoo kale xusid mudan in jarista dhirta ay u shaqo tagaan kumannaan qof kuwaasoo ay maalgeliyaan ganacsatada dhoofisa dhuxusha.

War kasoo baxay xafiiska madaxweeynaha Soomaaliya ayaa lagu taageeray qaraarkii ay hay’adda Qaramada Midoobay ku mamnuucday in la dhoofiyo dhuxusha, taasoo warbixinta lagu sheegay in ay Qatar ku tahay deegaanka iyo ammaankaba.

Dhoofinta dhuxusha ayaa la filayaa in ay badali doonto dhoofinta kheyraadka dalka sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, arintaasoo hadii ay hirgasho ay dad badani aaminsayihiin in dadku ay u dhaqaaqi lahaayeen tacbashada beeraha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.