Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Mareykanka oo sheegay inuu kordhinayo duqeymaha ay diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Baneta ayaa xusay in kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka, Hilary Clinton iyo qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka dalkaas ay kaga hadleen sare u qaadista duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadayaan saldhigyada ururka Al-qaacida ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya si looga hortago weerarrada argigixisanimo ee ay qorsheenayaan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in la wiiqay awooddii Al-shabaab lagana qabsaday gobollo iyo deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku haayeen sida magaalada xeebta leh ee Kismaayo; haddana aysan qaadi karin weerarro toos ah Mareykankuna uu ku ugaarsan doono goobaha ay kaga sugan yihiin Sooomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer weerarro dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geystay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen kuwo ajaanib ah.

Hadalkan ku saabsan in Mareykanku kordhinayo duqeynta ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya ayna fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa imaanaya xilli ay horumarro dhinaca dagaallada ah ku tallaabsanaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM.

Mareykanka ayaa horay u dul-dhigay saraakiisa sarsare ee Al-shabaab lacago madaxfurasho ah, waxaana saraakiishaas ka mid ah, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ah hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan, Sheekh Fu'aad Shangole iyo sidoo kale hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.