Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 28, 2012
Dadweynaha Somaliland oo tabaya doorkii ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku lahaayeen Toosinta Dowladda iyo Aragtidda Shacabka
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.
Tan iyo intii xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo talada la wareegay waxa is dhimay doorkii ay xisbiyadda mucaaradku ku lahaayeen arrimaha siyaasadda, kuwaas oo sixi jiray ama sheegi jiray dal-dalooyinka maamul ee jira iyo hadba xukuumada jirtay inay wixii khalad ah ee ay samayso iyo wixii wanaagba ay sheegaan, maadama oo ay qaybo bulshadda ka mid ah wakiil ka yihiin.
Haseyeeshee, xisbiyada mucaaradka ayaa ka gaabsaday sidii loogu bartay inay dhaliisha Xukumadda farta ku fiiqaan, waxaanay arrimahaasi keeneen in dadweynaha intoodda badan oo hadba jecel ka mucaaradka ah ay saluug weyn ka muujiyaan qaabka ay u shaqeeyaan xisbiyada mucaaradka ah.
“Dawladdi haddii xisbiyo mucaarad ah yeelan oo aanay ka baqayn waxay goosata xadhkaha, dabarka iyo seetada ku xidhan ee aanay dhaafin xukumadii waa xisbiyo mucaaradka ah, balse haddii la waayo waxay isku bedeli kalitaliye iyo nidaam adag oo aanay bulshaddu mahadin iyo hal xisbi oo shaqeeya”ayuu yidhi Mawliid Muxumed oo aaminsan in inuu tabayo doorkii xisbiyada mucaaradka ahi ku lahaayeen dawladda.
Halka dad kale oo badana aaminsan yihiin inay dawladdu wax badan qabatay, isla markaana aan loo baahnayn in la dhaliilo ama waxa ay ku dhaliilaan aanay oolin, taasina ay keentay inay xisbiyada mucaaradka ahi iska aamusaan.
Haseyeeshee, Inta badan xukuumadan xisbiga kulmiye ayaa lagu eedeeyey inay dhaliisha neceb tahay, taasina ay keentay inay xisbiyadii mucaaradka ahaa iyo qof kasta oo siyaasadeeda ka soo horjeedda ay soo jiidato, iskuna daydo in aanay wax kasta oo ay ku dhaqaaqdo mucaaradnimo kaga soo bixin, taasina ay imika u suurtogashay.
Haseyeeshee, Warbaahinta madax banaan oo inta badan wararka lidiga ku ah xukuumadda ka heli jiray xisbiyada mucaaradka ah ayaanay labadii sanadood waxbadan iska dhimeen oo ay waayeen cid ay soo xigtaan oo mucaarad ku ah xukuumadda, waxaana arrimahaasi lagu sheegaa inay dhawr arrimood sababtay sida uu tilmaamayo Maxamuud Jaamac Jawhar oo suxufiyiinta Somaliland ka mid ah.
“xukuumaddu markiiba waxa isku dayey sidii xisbiyada u kasban lahayd, waxaana markaa jiray laba xisbi mucaarad, (UDUB iyo UCID), UDUB xisbi sideed sanadood muxaafad ah buu ahaa oo wuu la qabsan kari waayey mucaaradnimadii marka isagu wuu iska aamusay, xisbiga UCID-na madaxweynaha ayaa ku daray guddidi wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo gudiddii nabadda ee reer buuhoodle la hadlayey, markaa arrimihii uu dhaliili lahaa ka mid buu noqday isagun sidaas buu ku aamusay”sidaas waxa ku dooday Maxamuud Jaamc Jawhar oo aragtiisa ku dhiibayey.
Dood kale ayaa iyana odhanaysa sababta xisbiyada mucaaradkii dhaliilihi xukuumadda u soo jeedin lahaa uga aamuseen inay tahay ururada siyaasadda ee lagu furay oo mid waliba ku mashquulay sidii ururkiisa ama xisbigiisa usoo bixi lahaa, taas oo xisbiyadii mucaaradka ah dhexdooda daad ku furmay, mid waliba dantiisa cuslaysay, maadaama oo ururo cusub oo siyaasada la furay ay dhexdooda tartan iyo is dacayadeed isku tuuray, iyagoo u kala baratamaya sidii mid walba u noqon lahaa saddexda xisbiga Qaran ee la rabo doorashada golaha deegaanka ka dib, waxaanay dad badani aaminsan yihiin in doorashadan ka dib saddexda xisbi ee soo baxaa ay xisbiyo mucaarad ahi ka soo dhex bixi doonaan, maadaama oo ay imika yihiin ku meel gaadh oo ay is dhawrayaan.
“xisbiyada waxa mashquuliyey ururada lagu furay oo kala kasbanaya dadweynihii, isla marakana is leh haddii aad xukuumadda wax ka sheegto bilow doorashadda laga badiyaa ama laga reebaa ilayn xukuumado way awoodo badan tahoo ka aanay doonayn ama ururka ay ka baqayso si hoose ayey u reebi kartaa, marka xisbiyada iyo ururadi mucaaradka ahaa cabsi baa ku jirta”sidaasna waxa ku dooday Maxamed Xaamud oo ka mid aqoonyahanka magaaladda Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, labaddii sanadood ee u dambeeyey ayaa doorkii mucaaradnimo ee xisbiga mucaaradka ah laga bartay wax weyni iska dhimay, isla markaana aanay wax dhaliil ah aanay u jeedin xukuuumadda, taasina waxay keentay in warbaahinta gaar ahaan Jaraa’idku doorkii xisbiyada mucaaradka qaataan oo wixi dhaliilo ah soo bandhiga, waxaanad arkaysaa aroorta hore dadweyne badan oo ku foorara goobaha jaraa’idka lagu iibiyo, si bal wixii jiray u ogaadaan.
Haseyeeshee, ololaha ururada dhexdooda ka jira ayaa keeni doonta xafiiltan siyaasadeed,kuwaas oo u baratamaya sidii ay u noqon lahaayeen saddexda xisbi ee ugu cod badan oo noqon doona sadexda xisbi qaran ee toban sanno ee soo socda shaqayn doona.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Xisbiga UCID oo doortay Musharraxiinta doorashada soo socota uga qeybgeli doonta (SAWIRRO)
10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.
Roobab khasaare badan geystey oo ka da'ay qaar ka mid ah gobollada Puntland.
10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.
Kalfadhigii 29aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay [SAWIRRO]
10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Doomo Ganacsi oo Doonayay in ay Daabulaan Dhuxul oo Dib uga Laabtay Dekedda Kismaayo
10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.
Dhallinyarada Waddanka Ruwanda oo Ururiyay lacag gaaraysa 30-Milyan oo Faran si ay ugu Tageeraan Soomaaliya
10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.
Haweenka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku doortay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka
10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.
Mareykanka oo sheegay inuu kordhinayo duqeymaha ay diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan Soomaaliya
10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Booliiska Kenya oo Mombasa ku dilay xubno ay ku sheegeen inay xiriir la lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya
10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.
ONLF oo faahfaahin ka bixisay Waxyaabihii Hakadka geliyay Wadahadalladii ay kula jirtay Dowladda Itoobiya (SAWIRRO)
10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.
Hoggaamiyaha Raaskambooni oo sheegay in Gobollada Jubooyinka loo sameyn doono maamul ka yimaada dadka deegaanka
10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan
10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku jira heerkii ugu dambeeyay wadatashiyadii uu kusoo Magacaabayay Golaha Wasiirrada
10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.
Somali News
Security restored in Luq, Somali government says
-
Sabahi
10/28/2012 7:22 PM EST
The Somali government said security has been restored in Luq in the Gedo region, UN-funded Radio Bar-Kulan reported Sunday (October 28th).
How families on both sides of the law face tough choices in Somalia
-
Guardian
10/28/2012 7:21 PM EST
Relatives of murder victims must pardon the perpetrators, kill them or demand blood money – currently set at about $20,000
250 Somali students get Turkish scholarships
-
Daily Monitor
10/28/2012 7:18 PM EST
Somalia: Somali students numbering 250 offered scholarships at higher learning institutions in Turkey flew from Mogadishu last week. Their destination was Istanbul, the most cosmopolitan city in the Euro-Asian country.
Minneapolis, MN: Run to unite with Abdi Bile
-
HOL
10/28/2012 5:27 PM EST
Minneapolis, MN: Run to unite with Abdi Bile
English Premier League: Manchester United ends Chelsea’s unbeaten streak
-
AP
10/28/2012 5:10 PM EST
LONDON—Manchester United ended leader Chelsea’s unbeaten start to the Premier League season and moved a point behind its opponent after benefiting from key refereeing decisions to win 3-2 on Sunday.
‘We didn’t go to Somalia for business’
-
Daily Monitor
10/28/2012 9:47 AM EST
Well, our foreign missions, which are now about 28, are engaged in the usual diplomacy but more importantly, they are engaged in commercial diplomacy. Our missions abroad have been given charters and their success is measured on how much investment they have attracted to Uganda, how many tourists have been able to come to Uganda as a result of their activities and the amount of trade there is in the country they are stationed and Uganda.
Two militant suspects killed in police raid on Kenyan coast
-
Reuters
10/28/2012 9:44 AM EST
MOMBASA, Kenya, Oct 28 (Reuters) - Kenyan police shot dead a Muslim cleric suspected of ties to Somalia's al Shabaab militants in the city of Mombasa on Sunday, the latest in a string of raids against alleged sympathisers of the Islamist militants along the east African coast.
Rwandan Youth Contribute Rwf30 Million to Somalia
-
New Times
10/28/2012 5:41 AM EST
Rwandan youth, through their campaign dubbed Rwanda Youth Campaign for Somalia, on Friday handed over a cheque worth over Rwf 30 million to Cabdullahi Sheikh Maxamed, Somalia's Ambassador to Rwanda.
Ethiopia: President Guelleh Hails Ethiopia's Renewable Energy Supply
-
GOE
10/28/2012 5:27 AM EST
President Ismael Omar Guelleh of Djibouti said that the hydroelectric power connection project, under which Ethiopia started to provide electricity to Djibouti last year, fitted very well into the country's clean energy policy.
UK: Theresa May strips British passport from Muslim care worker who refused to join MI5
-
MailOnline
10/28/2012 4:36 AM EST
A British citizen whose family believe he is being tortured by American secret agents has suddenly had all his rights as a UK national removed by the Home Secretary.
Nashville's Somalis embrace election
-
Tennessean
10/28/2012 4:19 AM EST
Nashville’s Somalis don’t want to hear how inconvenient it is to stand in long lines at the polls. For them, American elections are a miracle, worlds apart from Somalia’s old two-wooden-box system of voting, where the dictator in power decided the outcome