Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Bandhig-faneedyadii Xalay lagu dhigay Hargeysa oo Qiimahooda hoos loo dhigay, taas oo keentay in dhallinyaradu ka faa'iideystaan
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

Sidoo kale, magaalooyinka kale ayaa dhallinyaro kale usoo fasax baxeen magaaladda Hargeysa,iyadoo la arkayo baabuurta badan ee is waydaraynaysa ee u sii kala jeedda magaalooyinkaasi, kuwaas oo u badan caruur iyo dhalinyaro, sidoo kale waxa shaqaalaha dawlada la fasaxay laba maalmood oo aanay ku jirin maalintii ciidda, waxaana ilaa shalay cirku ku daboolnaa daruurro, taas oo jawiga ka dhigtay mid qurux badan oo socodka ku wacan, maadama oo qorax kulul aanay jirin.

Maalmaha farxadda ayaa dadku intoodda badan magaalooyinkaasi farxadooda ku soo dhamaystaan, iyadoo aad arkayso dhallinyaro isku abaabulayso inay dalxiis u tagaan magaalooyin aan ahayn magaaladda ay joogaan, halka kuwa kalena usoo waydaartaan magaalooyinka kale.

Sidoo kale, waxa iyana xalay bandhigo faneed kala duwan ku soo bandhigay faaniinta dhalliyarada ah ee cusub iyo kuwii hore, kuwaas oo saddex hotel ama gobood ku soo bandhigay bandhigyo kala duwan , taasina waxay keentay in lacagtii barigii hore lagu gali jiray maalmaha farxada oo ahayd $20 dollar ay jabto oo goobaha qaarna $10 dollar lagu galayey, meelo kalana $15 dollar, taas oo faa’iido u ahayd dhalinyarada jecel fanka ee aan lacagta u haysan inay iska bixiyan labaatanka dollar, tartankaasina uu keenay buux dhaaf hoolalkii loogu tallogalay ka dib markii dad faro badan ka qaybgaleen.

Waxa iyana in jiray laba goobood oo bandhigo faneed ah oo aan soo maray inaan ku arkayey dhalnyaro faro badan oo aan haysan lacagtii ay u gali lahaayeen, balse jeclaa inay ka qaybgalaan, kuwaasoo ku ag wareegayey hoolka xafladu ka socoto, laakiin uu ciidanku ka hor taagnaa, isla markana saddexda gooboodba ee bandhigu ka socday ciidamo badan la keenay si aan rabshado iyo khilaaf uga dhicin goobaha ay xafladuhu ka socdaan.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo fanka xiiseeya, ayaa keentay in habeenka bandhig faneedka la dhigay tikidhada lagu galayo la kala waayo, taas oo ka dhigay mid qaali ah, maadama oo hoolalka lagu tumayo aanay dadweynuhu qaadi karin si in kooban uun usoo gasho, waxaa inta badan lacagtaasi bilaabay fanaaniinta qurbo jooga ah oo marka dalka ku soo noqdaan lacag badan ka faa’iida, taasina markii dambe qiimaha bandhigyada lagu galo wax caadi ka dhigtay in fanaan waliba marka uu bandhig qabanayo $20 dollar  ka dhigo, isla markaana fanaan waliba uu jidkaasi hore loo dhigay uun maro, taasina waxay keentay in dhallinyaro badan iyo dadka jecel fanka ay caqabad ku noqoto, maadaama oo wakhtigu iska adag yahay, dad badana nolol maalmoodkooda la daalaa dhacayo, haseyeeshee qiimo dhimistan ku timid bandhigyadii xalay, ayaa la sheegayaa inay keentay tartankaasi ka dhexeeya kooxaha fanaaniinta ah, maadama oo koox waliba doonaysay inay hesho dad badan oo usoo galla sida ay ii xaqiijiyeen mid ka mid ah qabanqaabayaasha bandhigyaddan.

Sidoo kale, waxa xusid mudan marka bandhigyadaasi laga soo dareero ee hoteelada la xidho waxay dhallinyaradu isku urursadaan meel dhexe ka dibna waxay dhinaca galbeed ee magaalada uga bixi jireen si ay farxadooda usii wataan, waxaanay duleedka magaalada ka samaysan jireen goob ay ciyaarta iyo heesaha ka si wataan, iyadoo sameecado waaweyn iyo heeso lagu ciyaaro sii qaadan jiray, Laydhka Baabaabuurtoodana si wareeg ah inta loo dhigo ay ka dhigan jiren iftiin, ka dibna dib uga sii bilaabi jiray ilaa inta uu waagu baryo, haseyeeshee xalay arintaas ma dhicin oo markii la dareeray nin waliba gurigoodii ayuu toos u utagay.

Waxaana loo malaynayaa in ciidanka amnigu ka hortageen, maadaama oo xafladuhu aad u badnaayeen meelihii ay tagi jireen laga hor istaagay, Inkastoo wakhtigii horeba ciidanku u ogolaan jirin hadana siyaabo badan bay ku dhaafi jireen, iyadoo dhalinyarada iyo ciidankuna is eryey jireen, taasina uu ka dhici jiray shilal xun, iyadoo sanadkan badhtamihiisa boolis iyo gaadhi ka mid ah dhalinyaradan oo is eryeyna ku dhintay nin dhalinyaro ahi, halkaasna waxyeelo ka soo gaadhay, geeri xunna ka dhacday.

Dhallinyaradda xiiseeya ee qabanqaabin jiray in marka uu bandhigu dhimaato in dibada magaalada loo baxo oo aan Wax ka waydiiyey ayaa sheegay in farobadnida dadka ee ciidda ay sababta in aanay qabsoonin iyo is eryinta booliska iyo dhalinyaradu ay shilal badan keentay, dhalinyaro badana ku dhinteen xafladihii hore.

Sidoo kale, dawlada ayaa iyana amar ku soo saartay in 12 habeenimo laga dambeyn xafladaha aroosyada iyo bandhigyada hoteeladda ka dhaca, dadkana la kala hooyo si buuq iyo rabash badan uga dhicin, ciidamo badana la keeno habeenadaasi xafaladahan oo kale jiraan ee dadku aad iskugu badan yihiin.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.