Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi oo ka cabanaya tuugo dhac u geysta Xilli walba

Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

Tuugadan oo ku hubeysan toori ayaa waxay dadka u istaagaan wadooyinka, waxayna si bareer ah uga qaataan teleefonnada iyo waxyaalaha kale ee muhiimka ah, iyagoo ciddii ku madax adeygtana geliya tooreeyda.

“Sedexdii maalmood ee ugu danbeeysay waxaa tooreey la geliyay illaa shan qof, dadka la dhacayna tobaneeyo ayay gaarayaan,” sidaa waxa yiri Cali Ibraahim shaafici oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh.

Kooxaha dhaca geysanaya ayaa ah dhalinyaro Soomaali ah oo xaafad-xaafad u abaabulan islamarkaasina baxsaday Magacyo sida  “Super Power” iyo magacyo kale oo badan.

“Walahi dhibaato ayaa naga heysata ciyaalkan tuugada ah, wiil yar oo aan dhalay ayay xalay toori geliyeen Mobile-kiina way ka qaateen, isbitaalka ayaan geynay xaaladiisana halis ayay ku sugantahay,” sidaa waxa tiri Maamo Faadumo oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Islii.

Culumaa’udiinka ku dhaqan Xaafadda Islii oo dadka kala hadlay masaajidda ayaa ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan xaafaddan in ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ba’an ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku hayaan dadka ku dhaqan xaaafadda.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji ee ay xaafaddani ka tirsantahay oo isna shalay khudbad ka jeediyay munaasabaddii Ciidda ayaa ugu baaqay dadka reer Islii in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada xaafadda oo maalmihii u danbeeyay ay ka dhacayeen dhibaatooyin.

Ciidamo Boolis ah ayaa xalay lagu soo daadiyay xaafadda Islii waxayna ciidamadani qabqabteen tobaneeyo dhalinyaro ah kuwaasoo ay uga shakiyeen in ay ka tirsanyihiin kooxaha dhaca ka geysta xaafadda.

Soomaalida ku nool xaafadda ayaa ka codsanaya dowladda Kenya in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ay kooxahani burcadda ah ku hayaan dadka deegaanka.

Hiiraan Online; News Desk.





Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.