Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab oo cajalad maqal ah kaga hadlay dowladda cusub iyo magaalooyinkii lagala wareegay

Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Masuulkani ayaa ugu horeyn hambalyo ciidda ku aadan u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan dhinacyo badan leh, wuxuuna xusay in Xarakada Al-shabaab aysan marnaba joojin doonin dagaalladooda ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan qeybo katirsan gobollada dalka Soomaaliya.

“Ujeedada ay ka leeyihiin duulaanka Soomaaliya waa dhoofka kheyraadka dalka, sida shidaalka iyo macaadiinta, maadaama caalamka ay soo foodsaartay burbur dhaqaale, Soomaaliyana ay u arkaan keyd kamid ah keydadkooda,” ayuu Sheekhu hadalkiisii raaciiyay.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan dowladda Cusub oo uu ku tilmaamay in ay tahay koox ay soo barbaariyeen wadamada reer galbeedka islamarkaasina la wadaaga diin iyo dhaqanba, wuxuuna xusay in sababta KMG dalka looga saaray ay tahay in dowladda cusub ay gasho heshiisyo caalami ah, si kheyraadka dalka loola baxo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu yahay qalad kamid ah khaladaadka waaweyn ee ay galeen wadamada reer galbeedka, wuxuuna xusay in dowladda Kenya ay ka shalayn doonto soo gelitaankooda Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay magaalooyinkii ugu danbeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in guusha aysan ahayn magaalo madax la qabsado, wuxuuna xusay in maamulladooda ay weli ka shaqeynayaan magaalooyinkii lagala wareegay.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa ugu danbeeyn ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in ay u istaagaan dagaal Jihaad oo looga hortagayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isku fidinaya gobollada dalka.

Cajaladan maqalka ah ee uu soo saaray hogaamiyaha ugu sareeya Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ay hore gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.