Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono Hay'adaha kala duwan ee Dowaldda
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.

Xasan Sheekh, wuxuu sheegay in lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad howlaha dowladda sii wadda, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay dib u soo celiyaan dowladnimadii Soomaaliya, wuxuuna hadalladan ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Farriinta aan u gudbinayo xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda waa inaan ku mashquulsannahay dhismaha dowladda si loo soo celiyo haykalkii dowladeed, waxaana wadnaa inaan sameynno wixii aan noo sameynayn wixii sameynaana dib u habeyn xooggan ayaan ku sameynaynaa," ayuu madaxweynuhu yiri.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay la imaan doonaan howl ka duwan kuwii hore; isagoo xusay inaanay dib ugu laabanayn waxyaabihii horay u shaqeyn waayay, balse ay doonayaan inay sameeyaan howl taas ka duwan.

"Waxaan rabnaa inaan marno jid cusub oo aan horay loo marin, go'aankeennuna waa inaan dhexda laga soo laaban oo la dhameystiro howlaha dhiman, mana doonayno inaan marno waddo meel cidlo ah na geynaysa," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Laga soo billaabo sannadkii 2000 oo la galay KMG-nimada illaa hadda waxaa la sameeyay isku-dayo fara badan; laakiinse duruufo kala duwan oo lasoo maray ayaa sababi waayay in la gaaro halkii la higsanayay."

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay doonayaan in dowlad shaqeysa oo hanata dalka dhan soona celisa sharaftii iyo karaamadii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.