Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Ciidul Adxa oo maanta si weyn looga dabaaldegay Magaalada Nairobi

Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

Soomaalida ku dhaqan xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa maanta salaadda ciidda ku oogay fagaareyaal ay kamid yihiin, Siid Cali Clup, Eastleigh High School, Burhan state iyo fagaareyaal kale, waxaana goobahaasi ku sugnaa culumaa’udin halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan.

Fagaaraha weyn ee Siid Cali Clup ayaa waxa isugu yimid dadweeyne aad u fara badan oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo halkaasi u yimid si ay uku tukadaan salaadda Ciidda.

“Maanta aad baan u faraxsanahay dareenkeygana, lama qiyaasi karo, waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in wadanka uu ka dhacay isbadal wanaagsan, waxaana rajeyneynaa in ciiddan ciiddeeda aan ugu dabaaldegno gudaha dalkeena hooyo,” sidaa waxa yiri C/qaadir Aadan oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafadda Easleigh ee magaalada Nairobi.

Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa ayaa dadka muslimiinta ah ee Ilaahay wax siiyay waxay uga faa’iideystaan sadaqada, waxaana maalmihii u danbeeyay ay dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh siweyn u ibsanayeen xoolaha nool sida ariga iyo idaha.

Bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan Nairobi ayaa maanta laga dheehanayaa farxad iyo reynreyn ku aadan munaasabadda Ciidda, waxayna dadku isugu hambalyeenayaa erayo ay kamid yiiin “Ciid Mubaarak” iyo “Ciid wanaagsan”.

Munaasabadda Ciiddan Barakeysan ee Ciidul Adxa ayaa kusoo beegmeysa xilli isbadal weyn uu ka dhacay dalka Soomaaliya, waxaana umadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah wadamada Caalamka oo ay kamid tahay Kenya ay rajo wanaagsan ka muujinayaan in Soomaaliya ay markale cagaheeda isku taagto si ay dib ugu noqdaan dalkooda.

(Filo Sawirro intan ka Badan)
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya

 





Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.