Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Diyaarado dagaal oo dadka ku nool Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku qasbay inaysan Tukan Maanta Salaaddii Ciiddul Adxa
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa HOL u sheegay in diyaaradaha dagaalka ay magaalada si aad ah ugu soo dhawaadeen taasna ay keentay in dadku ay ka baqaan inay masaajidda iyo barxada lagu turkado tagaan.

"Shacabka Baardheere ku nool aad ayay u baqeen saakay waayo diyaarado dagaal ayaa magaalada soo dul maray, 70% dadkuna ma aysan tukan saakay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Baardheere.

Diyaaradahan dagaal oo la rumeysan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaan wax duqeyn ah ka geysan degmada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay rasaas fara badan ku fureen diyaaradahaas, taasoo sare u qaadday cabsida dadka degmadaas ku nool.

"Inta badan dadka degmada Baardheere ku nool ma aysan tukan maanta, taasna waxaa sababay diyaaradaha, mana jirto wax hadal ah oo ay kasoo saareen saraakiisha Al-shabaab ee degmada ku sugan," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay HOL.

Waa markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal ay shacab ku nool deegaanka ka tirsan Soomaaliya ka horjoogsadaan inay salaadda ciidda tukadaan, iyadoo xaaladda degmada Baardheere ay haatan tahay mid aad u deggen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.