Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Ciidamada Milateriga Somaliland oo Hawlgalo ay sameeyeen kusoo qabtay Kooxo ka Ganacsada Tahriibinta Dadka
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho,  oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in  bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.

Tahriibayaashan oo iskugu jira Oromo iyo Soomaali ayaa bilihii u dambeeyey si isdaba joog ah u caadaystay inay maraan galbeedka Somaliland, iyadoo ay caawinayeen dad u dhashay deegaanka gaar ahaan gobolka Selel, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen sil-silad isku xidhan, kuwaas oo wadooyin badan oo qarsoodi ah mariya dadkaasi tahriibaya.

Ciidanka Milatariga oo dhawrkii cisho u dambeeyey hawlgallo ka sameeyey gobolka Selel, gaar ahaan magaalo xuduudeedka Lawyo-caddo ayaa ku soo qabtay dad lagu qiyaasay ilaa 17 qof oo ah kuwii magaalada u dhashay iyo wakiiladii ay lahaayeen, waxaana dhamaan xabsiga loo taxaabay dadkaasi, iyadoo la sheegay in la keenay magaaladad Hargeysa.

Mid ka mid ah masuuliyiinta gobolkaasi oo khadka telefoon HOL ugu waramay isagoo jooga magaalo xuduudeedka Somaliland iyo Jabuuti u dhexeysa ee  Lawyo-caddo, ayaa sheegay in billihii u dambeeyey ay tabriibayaashu maraan jidka Lawyo-caddo, isla markaana boqolaal tahriibayaal ahi jidkaasi caadaysteen.

“meeshu waxay noqotay meel dadka lagu kala iibsado, oo dhibaato badan ayaa ka jirta, maalin maalin dadka tahriibaya waxay gaadhi jireen laba boqol oo qof, marka meeshu waxay noqotay meel dhimatay oo tahriibayaashu ku soo jabaan, waxaana iskugu jiraan tabriibayaashan Oromo, reer Xamar iyo Reer Burco oo u badan, wallow ay ku jiraan Qaar Hargeysa iyo Boorame ka yimid”sidaas waxa yidhi masuul dawlada ka tirsan  oo joogay magaalada Lawyo-Caddo oo magaciisa ka gaabsaday.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay u gudbaan dhinaca Jabuuti oo la sheegay inay doonyo ka raacaan dekadda Obokh ee dalka Jabuuti, ka dibna u gudba dhinaca Yemen, waxaana uga sii gudbaan dalka Sucuudiga Carabi.

Sida wararka ka helano dadkan la soo qabtay ee loo soo dhaadhiciyey magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa inay iskugu jireen dadkii meherada ku qarin jiray, kuwii kaxayn jiray iyo dadkii ka ganacsan jirayba, waxaana la sheegay inuu ciidanku hawl adag uu magaalada ku sameeyey dad farobadan ku qabtay, isla markaana tabriibayaal farobadan dib ugu soo celiyey.

Tabriibayaashan ayaa mara meelo halis badan oo u badan buuro, kuwaas oo ciidamda amniga iyo kuwa milatariga iska qariye, waxaana jidkaasi noqday hoyga tahriibayaasha, iyagoo inta badan ay waalid badan oo caruurtooda daba socda ciidanka ka dalbada in loo soo qabto, isla markaana sidaas lagu helo, waxaana tahriibayaashan iskugu jiraan hablo iyo wiilal.

Hawl-galkan uu ciidanka Milatarigu sameeyey ayaa muujinaya dabacsanaanta ciidanka Booliska oo ay shaqadoodu qabteen, waxaana la sheegay in dadkan la soo qabtay iskugu jiraan kuwii ka shaqaysan jiray iyo qaar la shaqayn jiray.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Militariga Gen:Ismaaciil Shaqaale ayaa dhowaan sheegay in boqolaal dhalinyaro ah oo tabriiya dib usoo caliyeen, kuwaas oo sheegay inay adkeeyeen xadka u dhexeeye Somaliland iyo jabuuti.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online                     
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.