Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Xarrakada Al-Shabaab oo dhagax ku dishay gabar ay dembi ku eedeysay
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

Masuul katirsan maxkamadda degmada Jamaame  oo goobta hadal ka jeediyay kahor inta uusan xukunka dhicin ayaa sheegay in labadani dhalinyaro lagu helay danbi ah in ay sameeyeen gogol dhaaf, wuxuuna intaa ku daray in maxkamadda degmada Jamaame ay ku xukuntay in la marsiiyo wax ay ka qabto shareecada islaamka.

Masuulkani ayaa sheegay in gabadha lagu xukumay in la rajmiyo (Dhagax lagu dilo) halka wiilkana lagu xukumay in lagu dhufto boqol karbaash maadaama la sheegay in uusan hore usoo marin guur.

Goobta uu xukunka ka dhacayay oo ahayd fagaare weyn oo ku yaal magaalada Jamaame ayaa waxa isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah kuwaaso usoo daawasho tagay sida uu xukunka u dhacayo.

Masuul katirsan Maxkamadda degmada Jamaame ayaa goobta ka aqriyay falalka lagu heysto labadani qof, wuxuuna sheegay in baaritaan dheer kadib la xaqiiqsaday in falalka lagu eedeeyay ay dhabyihiin.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay xoogagga Al-shabaab xukun caynkan oo kale ah ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya, haseyeeshee waxa jirtay xukunno kuwan la mid oo ay hore u fuliyeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.