Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA: "Shirkadaha shisheeye ee aan Baarlamaanka lasoo marsiin waa kuwo dalka ku jooga sharci darro"
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

Mudane Jawaari wuxuu sheegay in shirkadaha shisheeye ee dalka ku sugan ay yihiin kuwo ay hor-boodayaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo aan fasax ka haysan dowladda, taasna ay tahay mid aan la ogolaan karin.

"Shirkadaha shisheeye ee aan Baarlamaanka lasoo marsiin waa kuwo aan dalka ku joojin sharci, lamana ogolaanayo inay gudaha dalka ka shaqeeyaan," ayuu yiri  Jawaari oo hadal u jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka Arbacadii shalay oo la ansixiyay miisaaniyadda dowladda ay ku shaqeyso bilaha sannadkan ka harsan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli shirkado kor u dhafaaya tobaneeyo ay ku sugan yihiin dalka ayna ka howgalaan qaybo kala duwan oo uu garoonka diyaaaradaha Muqdisho ka mid yahay.

Muranka ku saabsan shirkadaha shisheeye ee dalka ka howlgalaya ayaa wuxuu ahaa mid soo jiray tan iyo markii ay jirtay dowladdii KMG ahayd, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay shirkadahaas qaar ka mid ah ay iyagu dalka soo geliyeen.

Lama oga go'aanka kama dambeysta ah ee uu baarlamaanka cusub qaadan doono haddii shirkadahan ay dhegaha ka fureystaan inay hortagaan baarlmaanka si ay u weydiistaan kalsooni ay dalka uga shaqeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.