Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Sannadkan oo noqonaya kii ugu khatarta badnaa ee soo mara Suxufiyiinta Somalia ka howlgala (Magacyada Wariyeyaasha la dilay)
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wariyihii ugu dambeeyay oo ahaa Axmed Saakin Faarax ayaa habeen hore kooxo hubeysani ku dileen degmada Laascaanood oo ay ka taliso Somaliland, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilkiisa geystay.

Ma jirto cid loo qabtay dilalka wariyeyaashan oo saddex ka mid ah lagu dilay qarax weyn oo ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka tiyaatarka Muqdisho, iyadoo ay dilalkan sii kordhiyeen cabsida ay qabaan suxufiiyiinta ka howgala gudaha dalka Soomaaliya.

"Dilka Axmed Saakin wuxuu ahaa mid argagax leh, wuxuuna qayb ka yahay olole looga soo horjeedo saxaafadda," ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Nuur oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray: "Waxaan waynay saaxiib weyn."

Magacyada suxufiyiinta algu dilay sannadkan Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin:
  1. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Janaayo
  2. Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Feberaayo
  3. Cali Axmed Cabdi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, 04-tii Maarso
  4. Mahad Salaad Aadan oo lagu dilay magaalada Baladweyne, 05-tii Abriil
  5. Farxaan Jeemis Cabdulle oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, 02-dii May
  6. Axmed Caddoow Canshuur oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, 23-kii May 
  7. Cabdi Jaynaani Malaaq (Marshaale), oo Muqdisho lagu dilay 31-kii July
  8. Yuusuf Cali Cismaan (Fareey) oo Muqdisho lagu dilay, 12-kii Ogoosto
  9. Maxamed Cali Buneyste oo Magaalad Muqdisho lagu dilay 12-kii Ogoosto
  10. Liibaan Cali Nuur oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  11. C/sataar Daahir oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  12. C/raxmaan Yaasiin oo lagu dliay Qarax Mudisho ka dhacay, 20-kii September
  13. Xasan Yuusuf Absuge oo lagu dilay magaalada Muqdisho, 21-kii September
  14. Cabdiraxamaan Maxamed Cali oo Muqdisho lagu dilay, 27-kii September
  15. Axmed Cabdullaahi Fanax oo Muqdisho lagu dilay 28-kii September
  16. Axmed Saakin Faarax oo lagu dilay magaalada Laascaanood, 23-ii Oktoobar
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka ay adag tahay in suxufiyiintu ay ka shaqeeyaan, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilalka suxufiyiintan loogu geystay Muqdisho sannadkan oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.