Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay iskahorimaad u dhexeeyay Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.

Dadkan shacabka ah ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay la socdeen gaari kuwa rakaabka qaada ha oo ka yimid gobolka Bay kuna socday degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka ay dadkaas ku dhinteen.

"Gaariga wuxuu ku socday degmada Wanlaweyn, wuxuuna si kaddis ah kula soo kulmay dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmarayay deegaanka Leego, waxaana halkaas ku dhintay sideed qof oo uu ku jiro walaalkey," ayuu yiri Daahir Cumar Jimcaale oo ka mid ah dadkii tagay goobtii ay gaariga rasaasta ku qabsatay.

Daahir oo u warrramayay BBC-da ayaa sheegay in gaariga uu ku dhacay rasaasta taangiga, isagoo hadalkiisa ku daray in dadka dhintay uu ku jiray darawalkii waday gaariga iyo dadkii qaybta hore saarnaa, sidoo kalena uu arkay dhaawaca dad ka badan 12-qof.

Balse guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose, Cabdifataax Cabdulle Yuusuf oo isaguna la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in gaariga ay ku dhacday rasaasta qoriga Zuuga loo yaqaan, isagoo iska fogeeyay in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay ka dambeeyeen dilka dadkaas shacabka ah.

"Goobta ay gaarigu rasaasta ku haleeshay waa bartamaha halka uu dagaalku ka socday, aniguna waxaan ku sugnaa halkaas, waxaana ku dhacay rasaasta qoriga Zuuga loo yaqaan," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Shabeellada Hoose.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah uu khasaare sidan oo kale ah uu kasoo gaaro goobo lagu dagaalamayo oo ay si lama filaan ah ugu soo dhaceen, basle dhowr jeer oo hore ayay tanoo kale dhacday.

Lama oga khasaaraha labadii dhinac ee dagaalmaya kasoo gaaray dagaalkii shalay dhexmaray, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Leego oo ah deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo xuduud la leh gobolka Bay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dadaal xooggan ugu jiraan inay furaan jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo si ay ciidamada AMISOM ay dhulka u maraan deegaannada ay doonayaan, balse Al-shabaab ay iyaduna dadaal ugu jirta inay difaacato deegaannada ay gobolka Bay uga sugan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/25/2012 4:19 PM EST
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.