Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Oct 23, 2012
Dagaal khasaare nafeed geystay oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmarya duleedka Baydhabo
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowlada Somalia iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ku dhexmaray maanta duleedka degmada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay, kaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus ayaa wuxuu qarxay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo dhianca garoonka diyaaradaha ka xiga magaalada Baydhabo.
"Waa jirtaa in xoogag Al-shabaab taabacsan ay maanta soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen duleedka Baydhabo, balse ma sheegi karno hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waayo howgallo ayaa socda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan oo saxaafadda la hadlay.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydadka shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, balse aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah dagaalka.
Isbitaalka Baydhabo ayaa la dhigay dhaawacyo ka mid ah askartii dowladda ee ku dhaawacmay dagaalka, waxaana saldhiggii lagu dagaalamay weli gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa iyadu ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo ka dhacayay gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan markaasoo Al-shabaab laga qabsaday degmadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Shirkadda AL-NUUR Furniture oo ka farxisay Ciidda 480 caruur ah oo ka tirsan agoont magaaladda Hargeysa
10/23/2012 10:36 AM EST
Talaado, October, 23, 2012 (HOL)- Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyadda ee AL-NUUR, ayaa 480 caruurta agoomaha ah ee ku jira xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa ugu deeqay dharkii iyo kabihii ay ku ciiddi lahaayeen, iyadoo sanad kasta iska xil saartay inay labadda Ciidood ee islaamka kafaalo qaado ka farxinta caruurtaasi iyo guud ahaan agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.
Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay Nin Yemeni ah oo lagu qabtay hub kala duwan
10/23/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil toogasho ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah kasoo dajiyay deegaan ka tirsan gobolka Bari.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo wafdi uu hoggaaminayay
10/23/2012 7:50 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Giulio Terzi.
Hoggaanka dambi-baarista Booliiska Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dilal geystay
10/23/2012 7:11 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Hoggaanka dambi-baarista booliiska Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba wiil iyo gabar la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, iyadoo labada wiil la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo.
Dagaallo ka Dhacay Nawaaxiga Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose
10/23/2012 3:58 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) —Dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.
Uganda oo sheegtay in Askar ka tirsan Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Hoose
10/23/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.
Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo markii ugu horreysay ku hanjabtay inay Qaraxyo ka geysan doono Dalka Britain
10/23/2012 3:19 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalka Britain, kuwaasoo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo gacan gelintii ay u gacan-gelisay Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.
Somali News
Somali visitor held in Amagoro
-
The Star
10/23/2012 4:54 PM EST
Teso deputy police boss, Francis Wahome arrested a Somalia national in the country illegally on Sunday. Wahome was walking in Amagoro trading centre at 10am when he saw "a suspicious-looking man on a motorcycle".
Row over al Shabaab charcoal stockpile
-
The Star
10/23/2012 4:52 PM EST
THE Kenyan commander in Somalia has requested the United Nations to lift an export ban for four million bags charcoal discovered in Kismayu.
Somali teenager sent back to Somalia by father for becoming “too Finnish”
-
Helsingin Sanomat
10/23/2012 4:27 PM EST
Halima was sitting in the yard when someone knocked at the gate. The sun had just gone down, but she could distinguish a friendly face in the dark. The guest was a skinny imam whom Halima had seen in the nearby mosque nearly every day since her father had taken her from Finland to Mogadishu two weeks earlier.
Foreign minister makes first visit to Somalia by top Italian official in decades
-
AP
10/23/2012 4:17 PM EST
ROME - Foreign Minister Giulio Terzi has made the first visit to Somalia by a top Italian official in decades, expressing Rome's commitment to support the security of its former colony and the fight against piracy.
Many Somalis Still See al-Shabab as Threat
-
VOA
10/23/2012 4:15 PM EST
NAIROBI — A United Nations report this month said half of Somalia’s population wants to leave the country despite security gains and the creation of a new government. Some Somalis who have fled still see the al-Qaida linked group al-Shabab as a threat to both their lives and the future of their country.
US to review refugee programme in Kenya
-
Daily Nation
10/23/2012 4:13 PM EST
The head of the US State Department's bureau of refugees is due in Kenya on Wednesday to review operations of a programme that admits refugees to the United States.
SECRETARY CLINTON : Additional Humanitarian Assistance to the Crisis in the Horn of Africa
-
State Departement
10/23/2012 11:31 AM EST
The United States continues to be concerned by the crisis in the Horn of Africa. Although the famine in Somalia ended earlier this year, more than two million people in that country still urgently need humanitarian aid. And the overall humanitarian situation in the region remains fragile; more than 9 million people in the Horn need assistance.
We are ready: Bringing Somalia's recovery online
-
BBC
10/23/2012 2:27 AM EST
At The Village Restaurant, a popular open-air hangout for Mogadishu's returning diaspora community, a charcoal-powered Italian espresso machine brews Somalia's best cappuccino.
Defendant in Minnesota terror case in custody
-
AP
10/23/2012 1:04 AM EST
MINNEAPOLIS — A Minnesota man who pleaded guilty last year to helping young Somali men leave Minnesota and return to their homeland to fight with the terror group al-Shabab was in custody Monday following an arrest for allegedly violating terms of his release.
Al-Shabaab threatens Britain
-
AFP
10/23/2012 1:02 AM EST
London - Somalia's Islamist al-Shabaab militia on Monday warned Britain it would “pay the heftiest price” for its “war against Islam” and the extradition of radical cleric Abu Hamza to the United States.
US Pledges More Aid To Horn of Africa
-
VOA
10/23/2012 1:01 AM EST
U.S. Secretary of State Hillary Clinton says the United States will give $58 million in aid to countries in the Horn of Africa.
Video: Somali Group ‘Ka Joog’ Earns FBI Honor
-
CBS
10/23/2012 1:00 AM EST
MINNEAPOLIS (WCCO) — With a burgeoning population of Somali-American families settling in the Twin Cities and across Minnesota, it’s only natural to expect cultural clashes and growing pains. But few expected the attraction of so many Somali boys and men to get drawn into the strife back in their homeland.
Crackdowns and coincidences: Tension high as East Africa confronts Muslim groups
-
Daily Maverick
10/23/2012 12:53 AM EST
As each day passes, the mystery around the disappearance of Sheikh Farid Hadi grows deeper. The Zanzibari cleric went missing on Tuesday last week, and even though he reappeared on Friday, no one’s quite sure where he was or what happened to him in the intervening four days.