Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Oct 20, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kulan oo looga hadlayay isbedelka ka dhacay degmada Marko kaddib markii Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa ka qaybgalay waxgaradka, odayaal, dhallinyaro, aqoon-yahanno, haween iyo ganacsatada degmada.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka hadlay maamulka Marka, kuwaasoo iyagu hoosta ka xariiqay kulamada noocaan ahi inay gacan ka geysan karaan horumarka bulshada ku dhaqan degmadaas oo 90-km koonfur kaga beegan Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Marka, Axmed Macallim C/raxmaan (Cukaash) ayaa kulanka ka sheegay in kulammadan ay billow yihiin horumarka bulshada ku dhaqan degmada Marko, wuxuuna ku booriyay ka qayb-galayaasha inay ka dhabeeyaan go'aannada ay kulanka ku gaarayaan.
"Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad qaadataan barnaamijyo ka duwan kuwii ka jiri-jiray halkan markii ay Al-shabaab ka talinaysay, waxaadna diiradda saarteen nabadda," ayuu yiri Cukaash oo xusay inay xaaladda ammaan ee degmadu ay kasoo raynayso.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD, taasoo dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ku qabtay degmadaas kulammo ay kaga tashanayeen aayahooda dhallinyarada, waayeelka iyo haweenka degmadaas ku nool.
"Maalin kasta waxaanu qabannaa dhallinyaro; waxaana marag madoonto ah inay yihiin kuwo ka mid ah dadka deegaanka, waayo qoyskii ugu liita qof ayaa uga jira Al-shabaab. Ogaada inaan la sii dayn doonin qofkii Al-shabaab ka tirsan ee la qabto," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marko.
C/llaahi Faarax Maxamed oo ah xiriiriyaha hay'adaha samafalka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose ayaa bulshada degmadaas ku nool ugu baaqay inay muujiyaan isku-duubni taasoo uu sheegay in lagu gaarayo nabad waarta haddii qof waliba xil iska saaro doorka uga aaddan adkeynta amniga.
"Dhallinyarada Marka ee Al-Shabaab ku biiray waxaan u ballanqaadayaa haddii ay kasoo laabtaan inaan u abuurno shaqooyin, gaar ahaan hay'adaha samafalka ee ka howlgala Marka," ayuu yiri Cabdullaahi Faarax oo dhinaca kale shaaca ka qaaday in hay'adaha ku sugan magaalada Marka ay yihiin kuwo aad u yar, balse xilliyada dhow ay dib ugu soo laaban doonaan.
Caaqil Cabdi Jeylaani Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Marka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ay siinayaan nabad ka dhacda daegmada; wuxuuna tilmaamay in ururrada bulshada rayidka ah ee degmada ay kulamo joogto ah ka yeeshaan amniga magaalada iyagoo la kaashanaya ciidamada nabadgelyada.
"Maanta waxaynu joognaa iyadoo Al-shabaab aysan ka talinayn degmada kaddib afar sano oo ay gacanta ku hayeen," ayuu yiri Xersi Maxamed Kulane oo ka tirsan odayaasha degmada Marka, isla markaana ku sugnaa degmadaas intii Al-Shabaab ay gacan ku hayeen.
Sidoo kale, Xersi Kulane wuxuu sheegay in odayaasha degmada Marka qaarkood ay weli ku jirto cabsi ay ka qabaan in dhibaato uga timaaddo Al-Shabaab haddii ay ka hadlaan xaaladda degmada ay ku sugan tahay iyo sida loo baahan yahay inuu noqdo ammaankeeda.
"Al-shabaab waxay dhallinyarada ku borrin jireen aabahaa soo dil, adeerkaa soo dil, abtigaa soo dil; wiilkuna wuu aqbalayaa hadalladaas, Ilaah baan idinku dhaarshaye arrintaas ma saxbaa?" ayuu isweydiiyay nabadoonka oo sheegay in weli Marka ay ku sugan yihiin rag habaari jiray dowladda una duceyn jiray Al-shabaab.
Dhinaca kale; kulanka waxaa ka hadlay xubno ka socday ururrada bulshada rayidka degmada Marka, kuwaasoo iyagu tilmaamay tallaabooyinka ay tahay in la qaado mar haddii Al-shabaab laga saaray degmada, iyagoona dalbaday in kulammadan oo kale ay noqdaan kuwo joogto ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
10/20/2012 10:20 AM EST
Sabti, Oktoobar, 20, 2012 (HOL) – Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne.
Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
10/20/2012 8:47 AM EST
Sabti, October 20, 2012(HOL): Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay caasimadda dalka Finland ee Helsinki shir laba maalmood socday kaasoo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka socday dalladda (Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations) oo ah dallad ay ku mideysan yihiin affar urur oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala dhisan dalalka Norway, Swedan, Denmarka iyo Finland.
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
10/20/2012 8:26 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto ammaanka Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ay waddo AMISOM inta laga gaaraya hadafka laga leeyahay.
Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
10/20/2012 8:02 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii safiirnimo ka guddoomay danjiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso; kaddib booqasho uu maanta ku yimid Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
10/20/2012 7:02 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in sanad kadib ay Puntland ka qabsoomaan doorashooyin ku dhisan nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa soo badanaya tirada siyaasiyiinta sheegay in ay u tartami doonaan xilka madaxweyne nimada ee Puntland.
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
10/20/2012 6:54 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
10/20/2012 6:41 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Gellinkii danbe ee shalay waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug soo gaarey, si weynna loogu soo dhoweeyey, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
10/20/2012 4:17 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, kaddib markii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay ka dalbadeen inay isaga baxaan garoonka si bisha Diseember ee sannadan ay uga billowdaan ciyaaraha kubada cagta.
Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
10/20/2012 3:55 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay korortay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee galaya dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, iyadoo ha'yaddu ay sheegtay inay xeradii lixaad ka furayaan deegaanka Dollo-Adow ee Koonfurta dalka Itoobiya oo ay ku yaallaan xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah.
Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
10/20/2012 3:32 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, toban kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo shalay gallinkii dambe iyo xalay lagu kala weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos oo ka tirsan degmada Hodan iyo maqaayad cunnada lagu cuno oo ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
10/20/2012 3:13 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khadka taleefoonka kula hadlayay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka iyo howlaha ay xukuumaddiisu qabanayso 100 maalmood ee ugu horreysa.
Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
10/20/2012 3:12 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada Kenya ayaa xalay lagu furay rasaas isagoo howl lagu sugayo ammaanka ka waday gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in askarigaas uu dhaawac fudud gaaray.
Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
10/20/2012 3:11 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Kismaayo ku dilay xalay nin ganacsade ah oo magaciisa lagu soo koobay Cali, kaasoo ka mid ahaa dadka ka ganacsada sariiraha, iyadoo sidoo kale uu xalay iska-horimaad xooggan uu isla xalay ka dhacay koontaroolka magaalada Kismaayo oo dhinaca waqooyi ku yaalla.
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta
10/20/2012 2:29 AM EST
Sabti, October, 20, 2012 (HOL)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay galab u anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay socdaal fasax gaaban ah, isago ka dhoofay madaarka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
Somali News
Somalia’s Fierce Daughter: Dr. Deqo Mohamed
-
Daily Beast
10/20/2012 8:54 PM EST
She’s a doctor, a newlywed, a fighter of terrorists in Somalia, and a lover of American shower heads. Dr. Deqo Mohamed tells Abigail Pesta about her surreal life.
SOMALIA: Somaliland journalists under fire
-
IRIN
10/20/2012 8:42 PM EST
HARGEISA, 17 October 2012 (IRIN) - Journalists in the self-declared republic of Somaliland are increasingly being harassed and arrested by security forces there, say officials.
Somali refugees flow to Yemen
-
Yemen Post
10/20/2012 8:40 PM EST
About 55 Somali refugees who have no identification documents were arrested in an entrance of the port city of Aden on Saturday, security sources affirmed.
Our man in the Seychelles who's locking up the pirates of the Indian Ocean - but why is Britain spending a fortune on a jail in paradise?
-
Mail Online
10/20/2012 8:39 PM EST
Behind the 15ft high razor wire, a huddle of men in yellow jumpsuits sit on their haunches, while others stand staring blankly into space.
Company taking over XL Foods being sued over alleged racial and religious harassment
-
Ottawa Citizen
10/20/2012 3:34 PM EST
OTTAWA — The Brazilian-owned company taking over a troubled XL Foods facility in Alberta is being sued by a U.S. government agency for alleged mistreatment of Muslim, Somali and black employees.
Tight security as Kenya marks Mashujaa day
-
Daily Nation
10/20/2012 3:27 PM EST
Kenya marks her 49th year of independence on Saturday amid heightened security occasioned by its first major post-colonial war against Islamic militants in neighbouring Somalia.
Gold hero Mo and his bro
-
The Sun
10/20/2012 3:25 PM EST
OLYMPIC hero Mo Farah is larking about with identical twin brother Hassan — and the way they behave no one would think they have lived apart for 21 years.
MV Orna, UAE-Owned Ship Hijacked By Somali Pirates, Freed After 2 Years
-
AP
10/20/2012 3:13 PM EST
MOGADISHU, Somalia -- A pirate commander in Somalia says that a cargo ship was freed after being held captive for nearly two years.
Kenya urges world to help consolidate gains made in Somalia
-
Xinhua
10/20/2012 3:12 PM EST
NAIROBI, Oct. 20 (Xinhua) -- Kenyan President Mwai Kibaki on Saturday called on the international community to help consolidate security gains which have been realized in Somalia to stabilize the Horn of Africa nation.
Community Supports Somalia with 'Run to Unite'
-
KSTP
10/20/2012 3:11 PM EST
Runners gathered in Minnehaha Park in Minneapolis Saturday to help the cause in Somalia.
Lawford man donates half tonne of clothes to Somalia
-
H&M Standard
10/20/2012 3:07 PM EST
HALF a tonne of clothes are on their way to east Africa after a man organised a clothing collection drive.
Policeman injured in grenade attack in northern Kenya
-
Xinhua
10/20/2012 3:04 PM EST
GARISSA, Kenya, Oct. 20 (Xinhua) -- A police officer has been injured in the latest grenade attack in Garissa town near Kenya's northern border with Somalia.
South African security companies in Somalia have not violated arms embargo
-
Defence Web
10/20/2012 3:02 AM EST
South Africa has not violated the arms embargo on Somalia imposed by the United Nations Security Council in spite of the South African private security companies operating there, the Somalia Eritrea Monitoring Group has said.
Analysts say Somalia progress might not translate to Mali
-
Stars and Stripes
10/20/2012 2:58 AM EST
STUTTGART, Germany — While the U.S. is hailing Somalia as a success story, an example of how concerted international efforts can rout Islamic extremists in control of much of the country, some analysts are tempering that success with caution.
AMISOM agrees to leave Somali football stadium
-
BBC
10/20/2012 2:50 AM EST
The African Union force in Somalia has said it hopes to vacate its base at the national stadium in Mogadishu in time for a football tournament in December.
Minneapolis event focuses attention on suffering in Somalia
-
MinnPost
10/20/2012 2:43 AM EST
Given the recent terrorism conviction of a Minneapolis Somali man, this might not seem like the best time for a race that celebrates the Somali community in Minnesota and raises money to help improve the lives of people in Somalia.